X

Xisbiga WADDANI Oo Si Weyn U Dhaliilay Miisaaniyadda 2022

Qaabka Loo Qoondeeyay Kharashaadka Maaha Mid Macquul Ah, Lacagtii Heshiisku Dhigayay ee Dp World Kama Muuqato Waa In Laga Jawaabaa halakay ku maqantahay”

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Xisbiga ugu weyn mucaaradka ee WADDANI, ayaa dhaliilay qaabka loo shaxeeyay Odoroska Miisaaniyadda 2022, ee dhowaan loo gudbiyay gollaha wakiillada Somaliland.

Xoghayaha Xisbiga WADDANI u qaabilsan Maaliyadda Axmed Xirsi Ducaale, ayaa si weyn u naqdiyay habka loo shaxeeyay Odoroska Miisaaniyadda, wuxuuna tilmaamay dhaliilaha ku gedaaman iyo mad-madaw uu sheegay in ay ka muuqdaan Miisaaniyadda 2022.

Axmed Xirsi, wuxuu sheegay in wasiirka maaliyadda Somaliland, Sacad Cali Shire iska indha tiray lIfaaqyadii ay gollihii hore ee wakiilladu u raaciyeen miisaaniyadda, iyadoo sida uu sheegay laga dalbay inuu soo raaciyo xeer miisaaniyadeedka shan hay’addood.

“Wasiirku wuxuu iska dhagamaray inuu soo gudbiyo xeerarka miisaaniyaddii la doonayay inuu soo raaciyo miisaaniyadda uu soo gudbiyay, Ciiddanka Dab-damiska, Haammaha, Madbacadda Qaranka, Hay’adda dib u habanynta shuruucda iyo xafiiska garyaqaanka guud oo dhammaantood aan lahayn xeer misaaniyadeed. ” ayuu yidhi, Xoghayaha WADDANI.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ay jiraan hay’addo kale oo qaarkood la sameeyay, isla markaana aan lasoo raacin miisaaniyadda gollaha loo soo gudbiyay xeerarkii misaaniyadeed oo ay leeyihiin hay’addahaasi.

Dhinaca kale, wuxuu sheegay in miisaaniyadda oo ka timaada saddexda qaybood ee Dawladda Dhexe, Dawladdaha Hoose iyo Hay’addaha Caalamiga ah, balse wuxuu sheegay in heshiiska DP World shan sannadood kaddib kiradii sannadka ahayd $ 5Milyan, “Wasiirka Maaliyaddu wuxuu sheegay dhowaan mar uu hadlayay in shantaa sannadood aannay shirkaddii wax faa’ido ah keenin, markaa waxay su’aashu tahay goorma ayaynu faa’idaynaa.” ayuu yidhi, Xoghayaha Maaliyadda ee WADDANI.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in aan miisaaniyadda lagu soo darin $10% dakhliga guud ee dekedda Berbera , iyadoo aan laga jarin wax kharash ah, sida uu dhigayay heshiiskii DP World iyo weliba %19 ay la siiyay Ethiopia, balse markii ay ka baxday sida uu sheegay waxay taasi ka dhigaysay $ 35% faa’idada in ay Somaliland hesho, “Wasiirku kuma soo darin shanta milyan ee kirada sannadka ah mooyee labada lacagayow ee kale, waana in qaranku helaa lacagtaasi meesha ay martay, Madaxweynaha ayaa laga sugayaa jawaabta hantidaa iyo meesha ay ku maqantahay,” ayuu yidhi.

Xoghayaha Maaliyadda Xisbiga WADDANI, wuxuu sidoo kale shaqaray qaabka aannay miisaaniyadda 2022, u waafaqsanayn nidaamka xeerarka iyo qaannuunka dalka, isagoo dhaliilay qaabka wasaaraddaha qaarkood aan wax ahmiyad ah loo siin, kuwa kalena si aan macquul ahayn loo rararay, wuxuuna ku tilmaamay mid faakahaysi ah.

“Sida loo qoondeeyay misiaaniyadda iyo kharashaadkeeda waxa ku jira khaladaad aannu qaranku qaadi karin oo aan daruuri ahayn.”

Muuqaalkan ka Daawo Xoghayaha Maaliyadda WADDANI.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post