X
    Categories: Warar

Xisbiga WADDANI Oo Shaki Geliyay War-murtiyeedka Shirkii Djibouti Ee Somaliland Iyo Soomaaliya

Hargeysa(ANN)- Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa si weyn u naqdiyay War-murtiyeed ay dawladda Djibouti soo saartay oo lagaga hadlayo go’aamada kasoo baxay shirkii Somaliland iyo Soomaaliya uga socday dalka Djibouti ee soo dhammaaday 17 Jun 2020.

Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen , ayaa sheegay in wax lala yaabo ay ahayd in war-murtiyeed laga soo saaray markii shirku soo xidhmay, wuxuuna timaamay waxyaanaha ay sida weyn uga shakiyeen, wuxuuna soo qaatay qodobada ku qoran oo Wasiirka Arrimaha Dibedda Yaasiin Faratoon qiray in khaladaad ku jira war-mutiyeedka.

Khadar Xuseen oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiska Xisbiga WADDANI, ee Magaalada Hargeysa, wuxuu ugu  baaqay Baarlamaanka Somaliland in ay arrinta heshiiskaa u fiirsadaan.

Halkan Ka Daawo Xoghayaha WADDANI oo ka hadlaya war-murtiyeedka Djibouti soo saartay.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post