X
    Categories: Warar

XIsbiga WADDANI Oo Ni Dhalinyaro Ah U Magacaabay Madaxa Ololaha Doorashada Madaxweynaha Ee Xisbiga

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)- Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa 36-jir reer Gebilay ah u magacaabay Madaxa Ololaha heer qaran ee Xisbiga doorashada madaxtooyada Somaliland ee bisha October ee sannadkani la filayo inay dalka ka qabsoonto.

Sida ku cad warqad uu ku saxeexan yahay Musharraxa Madaxweynaha ee xisbigaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, waxa loo magacaabay inuu noqdo Madaxa Ololaha ee xisbiga Mudane Xamse Khayrre oo ka mid ah dhallinyarada ugu firfircoon xagga siyaasadda iyo bulshada rayidka ah.

Md. Khayrre ayaa ka mid ahaa U-doodayaasha fagaare siyaasadeed oo u furan qaybaha bulshada, isaga oo sidoo kale na kaalin cuddoon ka qaatay hirgalinta olole ay dhallinyarada reer Somaliland ku rabeen inay kaga qayb-galaan golayaasha deegaanka JSL oo SONYO hormuud ka ahayd. Guushii ololahii xeer lambar 20 ee furista dabarka sharci ayaa ah ta keentay in la helo goleyaal deegaan oo dhallinyaradu aqlabiyad ka tahay.

Inkasta oo uu Xamse yahay nin marka aad aragto aad u laf weyn, haddana waxa uu dhashay sannadkii 1981-kii, isla markaana waxa uu bartay ganacsiga iyo dhaqaalaha.

Xamse inkasta oo uu siyaasadda ku cusub yahay, haddana maamulka kuma cusba, balse waxa uu ka soo shaqeeyay qaar ka mid ah wasaaradaha dawladda Somaliland, Ganacsiga gaarka ah, iyo qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah ee wadanka ka hawlgala.
Hase yeeshee, sida uu Xamse sheegay hammigiisa waxa ku jira inuu hoggaaminta Somaliland ka qayb qaato. “Waxaan doonayaa kow, in asalka siyaasadda dib aan u qeexo. Dadkeennu siyaasadda waxay u qaateen inay tahay “BEEN”. Horta waxaan doonayaa in siyaasaddu tahay “RUN” iyo “Samatalisnimo” tahay muujiyo. Waxaan kale oo doonayaa in siyaasadda Somaliland ee hal-abuur la’aantu daashatay, ku soo kordhiyo aragtiyo horu-socodnimo iyo isbeddel togan keena ku biirsado. Waxaan doonayaa in aanan uga sii darin ee ugu soo daro dheeraad wixii halgamayaashii hore soo kordhiyeen ee wanaag ahaa” ayuu yidhi Xamse oo ka warramayay sababta ku kelliftay siyaasadda.

Xamse waxa uu Xisbi siyaasaddeed si rasmi xubin uga noqday sannadkii 2012-kii doorashooyinka golayaasha deegaanka, waxaanu ka mid noqday aasaasayaashii ururkii Ummadda la odhan jirey ee uu hoggaaminayay Maxamed Cabdi Gabboose. “Arrimaha axsaabta waxaan soo galay sannadkii 2012, waxaanan ka mid noqday aasaasayaashii Ururkii Ummadda. Magaca Ummadda ee xisbiga wuxuu ahaa mid Alle i waafajiyay, Mabda’a xisbigana dajintiisii qayb baan ka ahaa” ayuu yidhi Xamse.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post