X
    Categories: Warar

Xisbiga WADDANI Oo Magcaabay Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Xisbigaa Iyo Masuuliyiin Kale

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN) – Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa xilal Kala duwan u magacaabay Masuuliyiin uu ku jiro gudoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga Waddani Md. Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac.

Xilalkan uu magacaabay Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Dr Ciro ayaa waxa ka mid ah Xidhiidhiyaha Gobolada Maroodi-jeex, Hawd iyo Gabiley ee xisbiga Waddani inuu noqdo Mudane: Siciid Muuse Cabdi (Bustaale), halka Mudane Xuseen Cismaan Cabdi loo magacaabo inuu noqdo ku-xigeenka Xoghayaha Dib-u-dejinta ee Xisbiga Waddani.

Sidoo kale Gudoomiyaha Xisbiga Waddani, Ahna Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbigaasi, waxa uu isla maanta magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga Waddani inuu noqdo Mudane Xuseen Aadan Cabdi (Aadan Cadde) Iyo Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga Waddani oo uu u magacaabay Mudane Saleebaan Ducaale Xaaji Daahir.

Waxaana lagu sheegay War-saxaafadeedka inuu Gudoomiye Ciro uu magacaabista masuuliyiintan uu u tixraacay qodobada 29aad farqadiisa 2aad iyo qodobka 30aad farqadiisa 6aad ee Xeerka xisbiga, waxaanu ilaahay uga baryey inuu masuuliyiintan xilalka u fududeeyo

Waxaanay u dhignaayeen xilalka uu Magacaabay Gudoomiye Ciro sidan:-

REF/XIS/WAD/XDH/2451/2017 10th June, 2017

KU: Md. Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac Hargeysa

OG: Guddoomiyaha Gobollada Dalka Hargeysa

OG: Guddida Fulinta Ee Xisbiga WADDANI Hargeysa

OG: Hogaanka Xisbiga WADDANI Hargeysa

OG: Xoghayaha Guud Ee Xisbiga WADDANI Hargeysa

OG: Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Hargeysa

OG: Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah Hargeysa

Ujeedo: Magacaabis Xil

Markaan Darsay: Qodobka 30aad farqaddiisa 6aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI

Markaan arkay: Baahida loo qabo in la buuxiyo xilkan.

Markaan la tashaday: Xubnaha Hoggaanka Xisbiga WADDANI

Markaan ku qancay: Waayo Aragnimada iyo Aqoonta uu leeyahay.

Aniga oo tixraacaya qodobka 30aad farqadiisa 6aad ee Xeerka xisbiga WADDANI, kadib markii aan la tashaday, hoggaanka xisbiga, waxaan maanta oo ay taariikhdu tahay 10-ka June, 2017 go’aamiyey in Mudane: Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac loo magacaabo Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Xisbiga Waddani.

Waxaan Eebe uga baryayaa in uu xilka kuu fududeeyo

ALLAA MAHAD LEH

Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Crro), Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI

Dhinaca kale Ujeedo: Magacaabis Xil

Markaan Darsay: Qodobka 29aad, Farqadiisa 2aad Iyo 30aad farqaddiisa 6aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI

Markaan la tashaday: Xubnaha Hoggaanka Xisbiga WADDANI

Markaan ku qancay: Waayo Aragnimada iyo Aqoonta uu leeyahay.

Maanta oo taariikhdu tahay 10-ka June, 2017 wuxuu hoggaanka xisbiga WADDANI go’aamiyey in Mudane: Xuseen Aadan Cabdi (Aadan Cadde) inuu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga Waddani.

Waxaanu Ilaahay ka baryeynaa inuu ku soo kordhiyo fikrado wax ku ool ah, waayo aragnimadiisa iyo Khibradiisaba.

ALLAA MAHAD LEH

Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Crro) Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI.

Sidoo kale Ujeedo: Magacaabis Xil

Markaan Darsay: Qodobka 30aad farqaddiisa 6aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI

Markaan arkay: Baahida loo qabo in la buuxiyo xilkan.

Markaan la tashaday: Xubnaha Hoggaanka Xisbiga WADDANI

Markaan ku qancay: Waayo Aragnimada iyo Aqoonta uu leeyahay.

Aniga oo tixraacaya qodobka 30aad farqadiisa 6aad ee Xeerka xisbiga WADDANI, kadib markii aan la tashaday, hoggaanka xisbiga, waxaan maanta oo ay taariikhdu tahay 10-ka June, 2017 go’aamiyey in Mudane: Siciid Muuse Cabdi (Bustaale) inuu noqdo Xidhiidhiyaha Gobolada Maroodi-jeex, Hawd iyo Gabiley ee xisbiga Waddani.

Waxaan Ilaahay kaaga baryeynaa inuu ku soo kordhiyo xisbiga WADDANI fikrado wax ku ool ah, waayo aragnimadiisa iyo Khibradiisaba.

ALLAA MAHAD LEH

Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Crro)

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI

Geesta kale Ujeedo: Magacaabis Xil

Markaan Darsay: Qodobka 30aad farqaddiisa 6aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI

Markaan arkay: Baahida loo qabo in la buuxiyo xilkan.

Markaan la tashaday: Xubnaha Hoggaanka Xisbiga WADDANI

Markaan ku qancay: Waayo Aragnimada iyo Aqoonta uu leeyahay.

Aniga oo tixraacaya qodobka 30aad farqadiisa 6aad ee Xeerka xisbiga WADDANI, kadib markii aan la tashaday, hoggaanka xisbiga, waxaan maanta oo ay taariikhdu tahay 10-ka June, 2017 go’aamiyey in Mudane: Xuseen Cismaan Cabdi loo magacaabo inuu noqdo ku-xigeenka Xoghayaha Dib-u-dejinta ee Xisbiga Waddani.

Waxaan Ilaahay kaaga baryeynaa inuu ku soo kordhiyo xisbiga WADDANI fikrado wax ku ool ah, waayo aragnimadiisa iyo Khibradiisaba.

ALLAA MAHAD LEH

Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Crro)

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post