X
    Categories: Warar

Xisbiga WADDANI Oo Maayarka Burco Ku Eedeeyay Inuu Albaabada U Laabay Xafiiskoodii Magaalada Nasiye Kadibna Xabsiga Dhigay Masuuliyiintii Ku Sugnaana

Araweelo News Network

Burco(ANN)– Xisbigaa Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ku eedeeyay Maayarka Magaalada Burco, Maxamed Muraad Inuu Albaabada u laabay xafiis ay ku lahaayeen Magaalada NASIYE oo ka tirsan Gobolka Togdheer, isla markaana xabsiga u taxaabay masuuliyiintii xisbiga Waddani ee ku sugnaa xafiiskaasi.

Sida uu sheegay Kaaliyaha Warfaafinta ee Musharaxa xisbiga Waddani, Muniir Axmed Cigaal oo ka hadlay talaabada xukuumada Kulmiye ay ku xidhay xafiiska xisbiga Waddani ee magaalada Nasiye, waxaanu ku tilmaamay talaabadaasi sharci daro iyo ku tagrifalka awooda xukuumada.

Muniir Axmed Cigaal ayaa sidoo kale sheegay in xisbiyada mucaaridku ay xaq u leeyihiin inay meel kasta ka furtaan xafiis si lamida xisbul xaakimka Kulmiye, isla markaana aanay aqbali doonin in Calamada Xisbiga, Taageerayaashooda iyo Masuuliyiintooda in xadhig, cabudhin iyo caga-julayn joogto ah lagula kaco, isagoo yidhi “Xisbiyada Qaranku sharci ayay ku dhisan yihiin, sida KULMIYE xaqa ugu leeyahay inuu goob kasta iyo gobol kasta xafiisyo ka furto ayay xisbiyada WADDANI iyo UCID na xaq ugu leeyihiin.

Waxa la yaab leh in Maanta Xisbiga KULMIYE oo adeegsanaaya awood ciidan uu albaabada u laabo xafiiskii xisbiga WADDANI ku lahaaa magaalada Nasiye oo kamid ah degaanada hoos yimaada gobolka Togdheer.

Sidoo kale afar xubnood oo Xisbiga WADDANI ka tirsan oo ah masuuliyiintii Xisbiga ee magaaladaas ayaa Xabsiga ku jira oo ilaa hadda xidhan.” Ayuu yidhi.

Waxa nasiib darro ah in Maayarkii loo doortay wax qabashada adeegyadii bulshada ee Burco uu sidaa u fekero, waa dhaqanada guracan ee dalkeena ka hano qaaday ee u baahan in la suuliyo mustaqbalka haddii Alle idmo, Insha Allah WADDANI ayaa suulin doona.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Maayarku iskarogooyinkii Dawladda Hoose uu dadka ugu soo gurayo ummad iska tabaalysan oo badankoodii xooluhu ka baxeen waxa yar ee uu meesha ku qalay ee cashuurtii dadweynaha Degamada Burco lagaga ururiyay uu kaga badalanayo Sawir kooda oo been ah, waxuu ku daray inuu xafiiskii Xisbiga Waddani iyo masuuliyiintii Xisbiga Ciidan Boolisa loo dalbaday oo xabsiga lagu guray.

Dhamaan calamadii Xisbiga Waddani ee degaanadaas sudhnaana ciidan ayaa loo adeegsaday, talabadaasi waa sharci darro waanu canbaaraynaynaa Xisbiga WADDANI ma aqbali doono in xarumihiisa tageerayashiisa iyo masuuliyiintiisa laysku dayo in cabudhin lagu hor joogsado.

Falkaas iyo kii Gabiley ee aad ogtihiin in gurigii Xisbiga wali ciidan haysto, waxaanu annagu u haysanaa oo u aano ah oo lagala xisaabtami doona oo dumadiisa ay tahay Murashaxa Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Sidii gobonimada lahayd ee Muuse Biixi looga soo dhaweeyay Oodweyne wuu ogyahay aynu dhaqanka tartanka ilaalino ummaddana yaan caadifadeeda la kicinin si xalaala ha loo tartamo haddii sharcigu shaqayn waayo, KULMIYE cidina kama jilicsana isaga ayay tahay inuu ammaanka ilaaliyo oo masuuliyadi ka saarantahay maadaama oo uu xukunkii hayo isaga ayaa KULMIYE iyo Murashaxooda iyo Xubnaha Wasiirada iyo Maayaradii ay ahayd inay Ummadda u dhaxeeyaan ee horboodaya ay u dhaq-mayaan sidii Markii Kulmiye Mucaaridka ahaa oo kale, waxaanu leenahay sharcigu ha shaqeeyo.” Ayuu yidhi Muniir Axmed Cigaal, Kaaliyaha Warbaahinta ee Musharaxa Xisbiga Waddani.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post