#Araweelo_News_Network.
Hargeysa(ANN)-Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, ayaa ka hadlay dagaal maalintii Axaddii duleedka Buurta Gacan-libaax ku dhexmaray Koox Dablay ah ee halkaa isku urursaday iyo ciidanka amaanka, kaas oo sababay khasaare dhimmasho iyo dhaawac ah.
Laxidhiidha: Guddoomiyaha UCID Faysal Oo Ka Hadlay Dablayda Buurta Iyo Xaalladda Dalka
Xisbiyada mucaaradka ee WADDANI iyo UCID, ayaa hore uga hadlay arrinta kooxdaa, waxayna ku macneeyeen in ay ka dhalatay khilaafka siyaadeed iyo murranka doorashooyinka ee soo jiitamay ku dhowaad laba sannadood.
Xoghayaha Xisbiga WADDANI, oo maanta ka hadlay dagaalka ka dhacay duleedka Gacan-Libaax, ayaa sheegay in xisbi ahaan aannnay doonayn in dalka laga abuuro qallalaase iyo dagaal, wuxuuna mar kale ku celiyay in asbaabaha salka u ah innay koox dablay ah galaan Buurta ay tahay doorashooyinka laysku khilaafsan yahay, laakiin wuxuu xusay in aannay shacbiga Somaliland maanta u baahnayn dagaal iyo dib u dhac, balse ay u baahan yihiin doorashooyin iyo midnimo.
Muuqaalkan Ka Daawo.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
https://mursaljamasspace.quora.com/
YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
info@araweelonews.com