X
    Categories: Warar

Xisbiga WADDANI Oo Gurmadkii U Horreeyay Oo Dawooyin Ah Gaadhsiiyay Magaalada Burco Oo Cudurka Shuban-Biyoodka Lala Tacaalayo

Araweelo News Network

Burco(ANN)-Wefti ka tirsan Xisbiga Mucaaradaka ah ee WADDANI Oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Md C/qaadir Jirde, ayaa deeq- daawooyin ah gaadhsiyey Cisbitaalka guud ee magaalada Burco, halkaasi oo lagu dabiibayo dadka uu soo ritey xanuunka shuban biyoodku.

Shixnada Dawooyinka


Deeq-dan daawooyinka ayaa waxay weftiga Xisbiga WADDANI ay ku wareejiyeen isuduwaha Wasaarada Caafimaadka u qaabilsan gobolka Togdheer Dr Yusuf Dirir, isagoo ka mahad naqay deeq-daasi uguna baaqaabay Xisbiyad kale in ay u gurmada dadka uu uu xanuunka shubanku haleelay ee reer Togdheer.
Ugu horeyn waxa halkaasi ka haddley guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Cabdiqaadir Jirde waxaanu baaq u diray bahda caafimaadka ee gobolada Awdal iyo Maroodijeex waxaanu ku bilaabay haddalkiisa “ Waxaanu go’aansanay intii karaan-kayaga ah wixii aanu heli karno annagoo Xisbiga WADDANI ah, in aanu keeno oo ku tabarucno, markaan aragna baaxad iyo inta dhibaatadu leedahay iyo in bahda caafimaadka ee Burco ka xoog roontahay, waxaanu usoo jeedinaynaa bahda caafimaadka ee gobolada galbeedk haddii ay Awdal tahay iyo haddii ay maroodijeex tahay-ba ee uu qalabkoodu badan-yahay ee dhakhaatiirta badani joogto ee kal-kaaliyashaasha caafimaad ee badani joogaan in ay deg deg ugu soo gurmadaa gobolkan,xukuumadda waanu u sheegi doonaa hawsheeda marka aanu tagno dhibaatada waanu la qaybsan doonaa war-bixinta waanu siin doonaa, annaga baaqayagu waxa weeye in loo soo gurmado Togdheer, Togdheer waa xudintii Somaliland wixii ka dhaca Togdheer dalka oo dhan ayuu saameeyaa Col iyo nabad iyo cudur-ba & Barwaaqoba, markaa waxaanu leenahay walaalahayga halkaas Jooga Awdal iyo Maroodijeex iyo Cisbitaalada gaarka loo leeyahay in loo soo gurmad Burco iyo Togdheer-ba waa hawl qaran, waxa weeye jihaad ayaad ku jirtaan jihaadkaana maaha in la idinku eego idinka keligiin “ Ayuu yidhi C/qaadir Jirde.

Guddoomiye C/qaadir Jirde oo oo haddalkiisa sii wata ayaa sheegay noocyada ay ka koobantahay deeqdan uu Xisbiga WADDANI soo gaadhsiiyey Cisbitaalka Burco “Wax Buuran ma sidno markaa wixii aanu is lahayn waa mihiim ee naloo sheegay in loo baahanyahay ee deg dega ahaa,waxaanu soo helnay iyo waxaanu weynayba,markaa isuduwe waxaanu doonaynaa in aad naga guddoonto hawshaa iyo alaabtaa, intaana kaga hadhimayno waxay ka koobantahay deeqdan aanu sidnaa 1.i.v fluids eg ringers lactate,normal saline.2.antibiotic eg. Doxycycline , tetracycline, ciprofloxcine,3. Iv cannole 4.ors and zinc tablet. Iyo biyo nadiif ah. “Ayuu yidhi Guddoomiyaha C/qaadir Jirde.

Dhanka kalena Isuwaha Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Togdheer oo deeq ka guddoomey Xisbiga WADDANI, ayaa ka mahadnaqay deeqdaasi “ Guddoomiye Jirde Dr Fadal , Maro Faadumo iyo dhammaaba masuuliyiinta kele ee Xisbiga WADDANI ee halkan noogu yimi ee soo dedeelay ee na soo gaadhsiiyey daawooyinka, markaa aad iyo aad ayaan idiinka mahad-naqaynaa “Ayuu yidhi Isu duwaha wasaarada Caafimaadka Gobolka Togdheer Dr

Ugu Damayntii Guddoomiye C/qaadir Jirde ayaa sheegay in aanay gurmadka intaa ku daynay ee ay wadayaan, waxaanu xusay in ay soo wadaan deeqo kale oo ballaadhan “waxa maqan oo soo socda noo imanaya oo gurmadkaa ka qayb-geli doona Musharxii Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr C/raxmaan Cirro iyo Hoggaamiyihii Xisbiga WADDANI Md Xirsi Xaaji Cali oo Dubai ku maqan oo iyana aanu hawsha gaadhsiinay iyana dedaalkooda dowladahaa iyo wixii ay keeni karaanba keenay.”Ayuu yidhi Jirde.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post