X
    Categories: Warar

Xisbiga WADDANI Oo Deeq Raashin Ah Gaadhsiiyay Deegaamada Awdal Iyo Calaamtu Su’aal Saaran In Gurmadka Abaaruhu Gaadhay Kuwii Ku Habboonaa

Araweelo News Network
Boorama(ANN)Xisbiga Mucaardka ah ee WADDANI, ayaa deeq gurmad raashin ah gaadhsiiyay boqolaal qoys kamid ah dadka abaartu sida weyn ee saamaysay ee deegaanka galbeedka Somaliland oo xaalad adag dadka iyo xooluhu galeen.
Deeqda muwaacinada ah ee Xisbiga Mucaardka ah ee WADDANI, waxa la gaadhsiiyay gobolka Awdal, gaar ahaan deegaanka Qulujeed oo boqolaal oo abaartu samaaysay usoo barakaceen, waxaana deeqdaa soo diray sida ay sheegeen saraakiisha WADDANI, quurba jooga ku dhaqan Maraykanka Iyo Qaarada Yurub ee taageera Xisbiga mucaardka ah eeWADDANI.
500 Qoys Iyaga Oo Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Ee Gobolka Awdal Cabdikariim Muuse Maal Iyo Ku Xigeenka Xoghayaha Siyaasada Xisbiga WADDANI, Maxamed Abiib Yuusuf Oo sheegay inay wakiil ka yihiin guddoomiyaha Xisbiga, ayaa deeqdaa raashinka ah gaadhsiiyay 500 qoys, waxayna markii loo qaybiyay boqolaal qoys baaqiga ka hadhay deeqda raashinka ah ku wareejiyeen Gudida abaaraha gobolka Awdal iyo guddoomiyaha degmada quljeed.

Dhinaca kale Dalalka Sucuudiga, Qadar, Imaraadka iyo Hay’addo caalami ah ayaa maalmihii u danbeeyay deeq caawimooyin ah kusoo daabulayay Somaliland si dadka abaartu saamaysay loo gaadhsiiyo, balse waxa calaatu su’aal saarantahay inay deeqaha iyo caawimooyinka soo gaadhay dalku u gudbeen dadkii ku habboonaa, iyadoo xaalada dadka deegaamada fog ee galbeedka laga dayrinayo, isla markaana aanay wax baddan ka bedelin deeqaha soo gaadhay Somaliland oo qaarkood gudaha dalka lagaga yaboohay.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post