X
    Categories: Warar

Xisbiga UCID oo Shaaciyey Qabashada Shirweynihiisa aan Caadiga ahayn iyo Rajada Xalka Khilaafkiisa

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN) Xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID, ayaa shaaciyey waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo shirweynaha aan caadiga ahayn ee xisbiga ee qabashadiisa ay xukuntay Maxkamadda Sare ee Somaliland si xal loogu helo khilaaf soo jiitamay ee u dhexeeya Guddoomiye Faysal Cali-waraabe iyo murrashax jagada Madaxweynaha xisbiga Jamaal Cali Xuseen.
Xoghaye-ku-xigeenka UCID, ahna Ku-simaha Xoghayaha Guud ee xisbiga Md. Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta xisbiga ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in 2-da bisha soo socota ee November la qabanayo shirweynaha aan caadiga ahayn ee xisbiga UCID, waxaannu soo bandhigay magacyada shan xubnood oo uu magacaabay Guddoomiyaha xisbiga Faysal Cali-waraabe oo u matali doona garabkiisa qabanqaabada shirkan.
Isagoo arrintaasi ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Carrab iyo labadiisa daan baa isugu dhaw oo way is qaniinaan, dadkuna markay meel wada joogaan wax way kala taban karaan, laakiin wixii la kala tabto waxa fiican in habka sharci ah ee Qaranka iyo xisbiga u yaal in lagu kala baxo, markaa maadaama Maxkamadda Sare go’aan soo saartay 25-kii September oo ay xukuntay in xisbiga UCID qabsado shirweyne aan caadi ahayn muddo lixdan maalmood gudahood, waxaannu halkan ku cayimaynaa in 2-da bisha 11-aad ama November shirweynihii aan caadiga ahayn ee xisbiga la qaban doono.
Sidoo kale, xukunka Maxkamadda waxa ku jirtay in labadii dhinac ee is hayey mid waliba shan xubnood soo magacaabo oo si wadajir ah u wada qabanqaabiya shirweynaha aan caadiga ahayn, iyadoo 2-dii bishan October oo uu Mujaahid Cali Guray oo garabka Jamaal ka mid ahi wuxuu soo magacaabay shantii xubnood ee uga qaybgalayey, sidaas darteed, Guddoomiyaha xisbigu (Faysal Cali-waraabe) waxa uu magacaabay shantii xubnood ee garabkiisa ee qabanqaabinaya shirweynaha aan caadiga ahayn, kuwaas oo kala ah; Maxamuud Cali Jiir, Maxamed Xasan Khayre Baashe, Shabbaash Cabdiraxmaan Axmed Cali, Cabdiqani Salaf iyo Cumar Daahir Cilmi.”
Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee xisbiga UCID waxa uu muujiyey rajo ay ka qabaan in shirweynahan xal loogu helo khilaafkii xisbiga ee muddada dheer taagnaa, isla markaana waxa uu ugu baaqay guddiyada qabanqaabadiisa inay tixgelin siiyaan wadajirka xisbiga, “Waxaannu rajaynayaa in khilaafkii dheeraa ee xisbigu halkaa ku soo gabogaboobi doono, ergooyinkii iyo golaha dhexena waxaannu ku baraarujinaynaa inay muddadaa ku soo diyaargaroobaan oo yimaadaan, guddiga qabanqaabadana waxaannu faraynaa inay si wadajir ah oo midnimada xisbiga iyagoo eegaya oo ka talinaya inay si wanaagsan oo hufan u soo qabanqaabiyaan oo shir qurux badana inoo dhaco, wixii khilaaf ah ee taaganna aynu wadahadal ku dhammaysanno Insha Allaah,” ayuu yidhi Md. Cabdirnaasir Qodox.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post