X
    Categories: Warar

Xisbiga UCID: Magacyada Xubnaha Guddida Qabanqaabada Shirweynaha aan Caadiga ahayn ee Garabka Murrashax Jamaal

Araweelo News Network


Hargeysa (ANN)- Garabka murrashax Jamaal Cali Xuseen ee xisbiga UCID, ayaa soo saaray magacyada shan xubnood oo uga mid noqon doona Guddida Qabanqaabada shirweynaha aan caadiga ah ee xisbiga UCID, kaasoo Maxkamadda Sare amartay in la qabto muddo lixdan maalmood gudahood ah, kana soo bilaabmaysa 25 September 2016.
Qoraalka uu ku saxeexan yahay Guddoomiye-ku-xigeenka 3aad ee xisbiga UCID Mr. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo lagu socodsiiyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Guddoomiyaha Guddida Diwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka, lana ogaysiiyey Guddoomiyaha xisbiga UCID iyo murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga UCID, waxa uu u qornaa sidan;


“Anniga oo tix-raacaya xukunkii Maxkamadda Sare ee MS/1/43/2016, kuna taariikhaysnaa 25/09/2016 iyo go’aankii Guddida Diwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ee G/D/U/AA/3/229/2016, kuna taariikhaysnaa 21/07/2016.
Waxa aan halkan idiinku soo gudbinayaa liiska magacyada xubnaha guddida qabanqaabada shirweynaha xisbiga UCID ee ka socda dhinaca murrashaxa jagada Madaxweynaha Mr. Jamaal Cali Xuseen, kuwaasoo kala ah;
1. Aadan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye
2. Xuseen Caynaan Faarax
3. Xuseen Xasan Bad-maax
4. Aadan Cali Yoonis
5. Cali Maxamed Xasan.”
Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Maxkamadda Sare, ayaa go’aan ay ka soo saartay khilaafka xisbiga UCID 25 September 2016, waxa ay ku amartay in muddo lixdan maalmood gudahood ah lagu qabto shirweyne aan caadi ahayn oo xisbiga UCID yeesho, lana horgeeyo heshiiskii ay kala saxeexdeen Faysal Cali-waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen sannadkii 2012, iyadoo ergada shirweynaha aan caadiga ahayna ay soo xuli doonaan guddi qabanqaabo oo ka kooban 10 xubnood, taasoo labada dhinac mid walba soo magaaci doono 5 xubnood.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post