X
    Categories: Warar

Xisbiga Mucaaradka WADDANI Oo Muujiyay Taageeradooda Saaxil, Maroodi-jeex iyo Gabilay KULMIYE-na Ku Eedeeyay Xisbi Qabyaalad Ku Suntan

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)- Siyaasiyiin, waxgarad, xildhibaanno, madax-dhaqameed iyo aqoonyahanno ka soo jeeda degaannada gobollada Saaxil, Maroodi-jeex, Togdheer iyo Gabilay, ayaa ku shaaciyey inay cudud taageero iyo mid dhaqaaleba la garab taagan yihiin xisbiga mucaaradka ee WADDANI oo ay ka tirsan yihiin.
Kulan xubnahaasi ku qabteen xarunta dhexe ee xisbigooda WADDANI, waxay sidoo kale dhaliilo badan ugu jeediyeen xisbul-xaakimka KULMIYE oo ay ku eedeeyeen in uu qaab reeraysan u wado tartanka ka dhexeeya axsaabta siyaasadda, iyagoo arrintaas ku tilmaamay mid dhaawac ku ah qarannimada iyo jiritaanka Jammhuuriyadda Somaliland.
“Hore ayaannu u sheegnay in beryahanba kulamo u socdeen xildhibaannada ka soo kala jeeda gobollada aynu soo sheegnay ee xisbiga WADDANI si ay gunti-giijin, horumarin iyo waxtar, muruq, maal iyo maskaxba isu la barbar istaagaan xisbigooda iyaga iyo taageerayaashooduba. Waxa kaloo aannu dooneynaa inaannu kor u soo qaadno xisbiyada oo qabyaaladda laga dheeraado, waxase ayaan-darro ah in xisbiga KULMIYE ololahii ku gelayo olole qabyaaladeed oo inta ay reero olole ka dhigteen uun intii ay kolba reerahaas u tageyso intayada halkan isugu timmi na waxa ay garatay oo isugu timmi inay dadka ka guubaabiyaan qabyaaladda oo ay dadka baraan xisbinimada.” Sidaa waxa yidhi Farxaan Faacuul oo ka mid ah xisbiga WADDANI ee halkaas ka hadlay.
Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ee WADDANI, ayaa tilmaamay inay cudud taageero iyo mid dhaqaaleba la garab taagan yihiin xisbigooda, waxaannu ugu baaqay KULMIYE inuu tartanka siyaasadeed ee dalka u wajaho tartan xalaal ah oo furan.
“Waxa halkan waxa iskugu yimmi beesha Subeer Awal wixii kaga jiray xisbiga WADDANI qaybo ka mid ah, gaar ahaan odeyaashoodii, waxaanan leeyahay halkan waxa isugu soo saaray hadhac iyo hadh dacar isku mid maaha oo dadka halkan fadhiyaa geed hadh yar may hadhsan weligood oo qabiil kuma filnaanayo, beeshana raadkii Somalilandnimada ee ay weligeed ku taagnayd halka uu la galay waa xisbiga WADDANI, xisbiga KULMIYE-na waxa aannu leenahay tartankii wuu dhowyahay, meeshan ayaana la isugu imanayaa ee intaad summadda qabyaaladeed aad iska dhigtaan si xalaal ah oo furan noola tartama,” ayuu yidhi Md. Qabille.
Xubno tiro badan oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa dhammaantood muujiyey taageerada ay hayaan xisbiga WADDANI, iyagoo ballanqaaday inay ka shaqayn doonaan sidii xisbigoodu ugu guulaysan lahaa doorashada madaxtinimada Somaliland ee u muddaysan November, 2017, haddii Ilaahay yidhaa.
Waxa kaloo ay tilmaameen in xukuumadda KULMIYE xaraashtay ilihii dhaqaalaha ee dalku lahaa muddada toddobada sanno ah ee ay xilka haysay, sidoo kalena talada dalku gacanta u gashay dad kooban oo ka shaqeeya xiqdiga iyo xumaanka laga dhex abuurayo bulshada walaalaha ah ee reer Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post