X
    Categories: Warar

Xisbiga Mucaaradka Ee WADDANI Oo Ka Hadlay Khatarta Calafka Oo Dalka Lasoo Geliyay

Hargeysa(ANN)-Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ka digay Buushe calafka Xoolaha la siiyo ah oo dalka lasoo geliyay, isla markaana todobaadkan gaadiid kasoo talaabay xadka Somaliland iyo Djibouti lagu soo daabulayay.


Calafkaa oo si weyn looga digay inuu yahay mid khatar ah oo galaafan kara Xoolaha Somaliland, isla markaana bedqabkiisa laga dayriyay, waxa dalka soo gelisay Hay’ad, waxaana maalmihii u danbeeyay la arkayay gaadiid badan oo xamuul ah oo ku sugan Kastanka Saylac kuwaas oo sida Calafkaa laga qayliyay.

Qaar ka md ah Gaadiidka xamuuka ah ee sida Calafka Xoolaha oo ku sugan Kastanka Saylac maalmihii lasoo dhaafay, Desember 2019, by Araweelo News Network.

Xoghayaha Xanaanada Xoolaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Dr. Axmed Cabdullaahi Cige (Shugri) oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Hargeys, ayaa isagoo ka hadlaya Calafkaa yidhi, “Xooluhu waa laf-dhabarta dhaqaalaheena, mar hadday xooluhu laf-dhabarta dhaqaalaheena yihiin waa in Dawladda iyo dadkuba loo foojignaado.”

Dr. Shugri waxa kale oo uu sheegay “Nin Muwaadin ah ayaa soo sawiray Gaadiid oo 25 konteenar oo sheegay inay soo galeen xuduudka Lowyacaddo, wuxuu sheegay in Gaadiidka ay saaran yihiin 25 koontiinar oo sida Calaf xoolaad, sida Buushaha, kaas oo xoolo badan ku filan.” ayuu yidhi.

“Ninkaasi wuxuu sheegay in Gaadiidkaa oo ka keenay Calafka dhinaca dalka Djiboutii soo gaadheen Lowyacaddo, isla markaana ay dalka soo gelisay sida uu sheegay Hay’ad aanmagaceeda la shaacin, iyadoo sida uu xusay qoladii Kastamkuna cashuurayaan, marka ka cashuurana waddanka ayay soo galayaan.


Shugri, wuxuu sheegay Ninkaasi wuxuu yidhi, ” waanu tijaabinay buushahaa oo Diqsiga isku taagaa wuu dhimanayaa,” Ninkaasi wuxuu yidhi xoolaheena ayaa lagu wadaa oo la siinayaa, waxaana loo qabayniyaa Xoolaha jooga Lowyacaddo illaa Taleex, Hay’adduna waxay ka dhigaysaa samo-fal wanaagsan inay xoolaha siinayso,” sidaas ayuu yidhi Xoghaye Shugri.


Dhinaca kale, Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Kaluumaysiga ayaan weli wax war ah kasoo saarin warka Calafka Xoolaha ee laga qaylinayo, kaas oo si weyn Bulshadu ugaga hadlaysay maalmihii u danbeeyay Boggaga ay ku wada xidhiidho ee Social Media.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post