X
    Categories: Warar

Xisbiga Kumiye Oo Beeniyay Warar La Xidhiidha Kulan La Sheegay In Lagu Kala Kacay Oo Dhexmaray Madaxweynaha Iyo Guddoomiyaha Xsibiga

Hargeysa(ANN)Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, ayaa beeniyay warar la sheegay in todobaadkii hore kulan dhexmaray Madaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo guddoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi Cabdi, kaas oo wargeyska Foore oo kasoo baxa Magaalada ku baahiyay cadadkiisa 1436, ee Sabti 21 March 2015.
Wargeysku, wuxuu sheegay in kulankaa oo ahaa mid lagaga wada hadlay mudo kordhin iyo musharaxnimada xisbiga Kulmiye, isla markaana sida wargeysku sheegay Guddoomiye Muuse ka u gudbiyay Madaxweynaha in ka hor inta aan la gaadhin muddo kordhinta musharaxnimadiisa la cadeeyo, balse laysku afgaran waayay sida lagu daabacay Wargeyska oo lagu kala kacay.
Hase yeeshee Qoraal saxaafadeed xisbiga Kulmiye kaga hadlay arrintaa, waxa uu ku tilmaamay warkaa mid aan sal iyo raad lahayn oo been abuur ah, waxayna uga digeen saxaafada inay warar been abuur ah oo aan jirin qorto, kuwaas oo ay sheegeen inay abuuri karaan khal-khal.
Warsaxaafadeedka Xsibiga KULMIYE, wuxuu u qornaa sidan:- “ Wargayska Foore oo ka soo baxa magaalada Hargeisa ayaa wuxuu cadadkiisii maanta bogga hore ku daabacay war aan sal iyo raad toona lahayn oo waxba kama jiraan ah, waxanan cid kasta u cadaynaynaa in warkaasi yahay been cad oo Wargeyska Foore u badheedhay oo aanu geedna ugu soo gaban.

 

Waxaanu bulshada u sheegaynaa in Madaxwaynaha iyo Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE ay ka midaysanyihiin siyaasada Dawlada iyo xisbiga ee xilligan iyo ta mustaqbalkaba.

 

Saxaafadu qaranka waxay u haysaa masuuliyad wayn , haddii masuuliyadaasi u gacan gasho cid aan ehel u ahayn waxay dalka ka abuuri kartaa khal-khal wareed.
Gabagabadii waxaanu bogaadinaynaa saxaafada inteeda badan ee dhawrtay Anshaxa iyo xeerka saxaafada, waxaananu u digaynaa inta been abuurka iyo khalkhal galinta bulshada caadaysatay” ayaa lagu qoraal saxaafadeedka xisbiga Kumiye oo warbaahinta loo qaybiyay, kaas oo uu ku saxeexnaa Agaasimaha Xafiiska Xarunta dhexe iyo Xadhiidhka saxaafada ee Xisbiga Kulmiye. Mustafe Iid Maxamed.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post