Araweelo News Network
Muuminseed
Hargaysa (ANN)- Xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa wadahadallo la furay gabarka Toosinta iyo Caddaaladda WADDANI ee uu hoggaamiyo Guddoomiye-ku-xigeenkii kowaad ee xisbigaasi Axmed Muumin Seed.
Kulan hordhac u ah wadahadallo si rasmi ah ugu bilaabmaya xisbiga KULMIYE iyo garabka Toosinta iyo Caddaaladda, ayaa ka qabsoomay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa shalay, kaas oo ay yeesheen guddiyo kala matalaya labada dhinac oo ay kala hoggaaminayeen Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee KULMIYE Maxamed Kaahin iyo Guddoomiyaha Garabka Toosinta Axmed Muumin Seed.
Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf iyo Xoghayihii Siyaasadda ee WADDANI Md. Maxamed Abiib, ayaa ka hadlay wadahadalkan oo ay sheegeen inuu bilaabay, isla markaana fadhigiisa kowaad ee rasmiga ah la isugu iman doono maalinta Isniinta.
Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf, ayaa tilmaamay in wadahadalku bilow yahay, “Waxa noo bilaabmay wadahadal xisbiga KULMIYE iyo garabka caddaaladda ee xisbiga WADDANI ee uu hoggaaminayo Axmed Muumin Seed, wadahadalkiina maanta (shalay) si wanaagsan ayuu noogu dhammaaday, kulankayaga dambena waxa uu noqonayaa maalinta Isiniinta ee soo socota, waxaanan rajaynaynaa inaannu is afgarad wanaagsan gaadhno,” ayuu yidhi.
Sidoo kale, Xoghayihii Siyaasadda WADDANI oo ka tirsan garabka Toosinta ee xisbigaasi Mr. Maxamed Abiib, ayaa isaguna si kooban u sheegay in wadahadalku bilow yahay, rajana ka muujiyey inay wanaag ku dhammaan doonaan, waxaannu yidhi, “Runtii wadahadalkaasi maanta (shalay) ayuu furmay, waxaanan rajaynaynaa in maalinta Isiniinta ah ee innagu soo foolka leh inuu kulankiisii 1aad uu qabsoomo, waxaanan rajaynaynaa inuu geedi-socod fiican uu ku socon doono.”
Garabka Toosinta iyo Caddaaladda WADDANI oo ka kooban siyaasiyiin iyo masuuliyiin ka tirsanaa xisbigaasi oo uu hoggaamiyo Guddoomiye-ku-xigeenkii kowaad Axmed Muumin Seed, ayaa samaysmay kadib shirkii Golaha Dhexe ee xisbigu ku qabsaday Hargeysa dabayaaqadii bishii October ee sannadkan oo ay ka cadhoodeen habkii loo maamulay, waxaanay sheegeen inay la tiigsan doonaan hay’adaha sharciga ee dalka, iyagoo hore dacwad ugu gudbiyey Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siytaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka.