X

Xisbiga KULMIYE Oo Qaabilay Murrashaxnimada Suxufi Maxamed Raanboo Iyo Xubin Kale Oo Loo Soo Xulay Doorashooyinka Wakiiladda Iyo Deegaanka

Suxufi Maxamed Xuseen Jaamac (Raanboo) oo u sharaxan gollaha wakiiladda Somaliland ee gobolka Maroodi-jeed  iyo Siciid Yuusuf Aadan Garaw oo gollaha deegaanka Hargeysa u sharaxan. Araweelo News Network 31 Jan 2021.

Araweelo News Network.

Xisbiga KULMIYE Oo Qaabilay Murrashaxnimada Suxufi Maxamed Raanboo Iyo Xubin Kale Oo Loo Soo Xulay Doorashooyinka Wakiiladda Iyo Deegaanka

Hareysa(ANN)-Xisbiga Xukuumadda ee KULMIYE, ayaa si dhab ah u shaaciyay laba murrashax oo uga qaybgelya doorashooyinka Wakiiladda iyo Deegaanka ee Hargeysa , waxaana munaasibad ay ka qaybgaleen hoggaanka sare ee Xisbiga lagu shaaciyay Maxamed Xuseen Jaamac (Raanboo) oo ka mid ahaa haldoorka suxufiyiinta Somaliland, isla markaana u taagan murrashaxnimada gollaha wakiiladda ee gobolka Maroodi-jeex.

 

Sidoo kale Siciid Yuusuf Aadan Garaw oo u taagan xubnaha golaha deegaanka ee Caasimadda Hargeysa ugu tartamaya Xisbiga KULMIYE, ayaa lagu shaaciyay munaasibadaa.

Munaasibada lagu shaaciyay muurashaxnimada labada xubnood waxa ka hadlay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE, Axmed Cabdi Dheere, xubno ka mid ah gollaha wasiirada ee xukuumadda, saraakiil ka tirsan Xisbiga, Odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda deegaanka ay metelayaan labada murrashax.

 

“Labadaa Nin oo aad noogu miisaan badan ayaanu soo sharraxnay, waxaanuna is leenahay waad kaga gam’aysaan kaalintaa, markaa waxaanu jecelnahay inaad naga guddoontaan.” ayuu yidhi ka mid ah Madax-dhaqameedka madasha ka hadlay oo xaqiijinaya sida ay u taageersan yihiin waxgaradka deegaanku labada murrashax.

Sidoo kale, mid ka mid ah Odayaasha madasha lagu shaaciyay murrashaxiinta ka hadlay, ayaa yidhi, “Waxaad mooddaa in imika dadku yidhaahdaan ‘yaa dadka wax la boobaya’, Annagu taa kumaanu soo dooran ee waxaanu ku soo dooranay yaa dadka wax u qabanaya ee wax u taraya., waxaanuna ka wadi weynay in aannu ka sharaxno labadaa Nin Xisbiga KULMIYE”.

 

Cabuillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdillaahi-jawaan) oo xilal kala duwan kasoo qabtay Xukuumaddii hore ee Somaliland, isla markaana ka mid ahaa xubnihii u horeeyay ee guddida doorashooyinka Somaliland xilligii Marxuum Cigaal, ayaa ka hadlay munaasibada, isagoo  yidhi, “Maxamed-Raambo waa Nin Naftiisa dhisay, hadduu Naftiisa dhisay waxaanu aragnay inuu dalkana dhisayo, deegaanka uu ka soo jeedana uu wax u qaban karayo, sidaasi ayaanu ku dooranay oo aanu ku taageernay, markaa waa nin dalka dhisaya. Anniga Cabdulllaahi ahaana Anigoon been ka sheegayn Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye waxay iigu muuqdaan Xukuumad iyo Xisbi dhisme wada..” ayuu yidhi.

KULMIYE oo aqbalay Murrashaxnimada Suxufi Maxamed Xuseen Jaamac (Raanboo) oo u sharaxan gollaha wakiiladda Somaliland ee gobolka Maroodi-jeed  iyo Siciid Yuusuf Aadan Garaw oo gollaha deegaanka Hargeysa u sharaxan. Araweelo News Network 31 Jan 2021.

“Shirkeenu wuxuu daaranaa in Xisbigu uu deegaankaa ka guddoomo labada Murrashax oo kala ah Maxamed Xuseen Jaamac (Raambo) oo loo soo xulay Baarlamaanka iyo Siciid Yuusuf Aadan Garow oo loo soo xulay Golaha deegaanka Hargeysa, markaa sida lagu soo xulay ma sahlanayn, sidaasi darteed Guddoomiye waxaanu rejaynaynaa inaad naga guddoonto..” ayuu yidhi, Wasiirka Wasaaradda Maalgeshiga Somaliland Maxamed Axmed Cawed,

“Waxaanu is waafajinay dimuqraadiyadda, Horumarka, Xeerarkeena iyo siday Jifooyinku wax u doonayaan iyo sidaynu wax u doonayno, sidaasi darteed Ilaahay baa Mahad leh in Maanta Annaga oo midaysan oo mid ah in aannu halkan (Kulmiye) keeno labadaa Musharrax ee aannu soo xulnay..” ayuu raaciyay Cawad.

Suxufi Maxamed Xuseen Jaamac (Raanboo) oo u sharaxan gollaha wakiiladda Somaliland ee gobolka Maroodi-jeed  iyo Siciid Yuusuf Aadan Garaw oo gollaha deegaanka Hargeysa u sharaxan. Araweelo News Network 31 Jan 2021.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE,  Axmed Cabdi Xuseen(Axmed Cabdi-dheere),  oo ka hadlay gebagebadii munaasibada, ayaa yidhi, “Soo Gudbinta oo keliya maaha, ee waanu idinka guddoonay Labada Murrashax, waxayna ka mid noqonayaan Tartamayaasha Gobolka Maroodi-jeex Labada Xildhibaanba, laakiin hawl badan baa idiin taalla, Maxamed-Raambo haddaad keenteen waa inaad soo saartaan, garab iyo gashaan,waana innuu ka mid noqdo Musharraxiinta ugu Codadka  badan..”

 

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post