Araweelo News Network

xuseenaadancade

Hargeysa(ANN)-Xisbiga KULMIYE, ayaa Magcaabay xilka Guddoomiye Ku Xigeenka Sadexaad Ee Xsibiga oo banaanaa muddooyinkan kadib markii uu xilkaa baneeyay Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo ka mid ahaa kooxdii ka baxday Xisbiga ee ku biiray WADDANI.

Qoraalka Magcaabista xilka Guddoomiye ku xigeenka Sadexaad, ayaa u qornaa sidan:-

“Ujeeddo: Magacaabista Guddoomiye Ku Xigeenka 3-aad ee Xisbiga KULMIYE

Kadib markaan arkay xilka Guddoomiye-ku-xigeenka Saddexaad ee xisbiga KULMIYE ee bannaannaaday ansixintii Shirweynihii 3-aad ee xisbiga KULMIYE kadib.

Kadib markii aan la tashi la sameeyey xubnaha Hoggaanka xisbiga iyo cidda kale ee ay khusayso.

Kadib markaan arkay muhiimadda buuxinta xilka Guddoomiye-ku-xigeenimo ee bannaani u leedahay waqti xaadirkan habsami-u-socodka hawlaha xisbiga, waxa loo magacaabay:

– In Xuseen Aadan Cadde – Laga bilaabo maanta, January 15th, 2017, uu ahaado Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad (3-aad) ee xisbiga KULMIYE.

Waxa aan Alle uga baryayaa in uu Mudane Xuseen Aadan Cadde ku asturo xilka iyo masuuliyadda culayskeeda leh ee uu u qaaday dhammaan bah-weynta xisbiga KULMIYE.

NB: Magacaabista xilka Guddoomiye-ku-xigeenimo ee kor ku xusan waxa ay dhaqangali doontaa ansixinta shirka Golaha Dhexe ee ugu horeeya kadib. Xil gudasho wacan.” ayaa lagu yidhi Qoraalkaa oo uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi