X
    Categories: Warar

Xisbiga KULMIYE Oo Ka Hadlay Shil Gaadhi Oo Wefdiga Guddoomiyaha La Socday Deegaamo Daca Hawdka Gobolka Tigdheer

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)- Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo beryahanba socdaal shaqo ku jooga Gobolka Togdheer ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta kormeer shaqo ugu baxay deegaanno ka tirsan dhinaca Hawdka ee gobolka.

Wefdiga Giddoomiyaha, ayaa Ujeedada Socdaalkooda la Xidhiidha u kuurgalaan xaaladaha kala duwan ee nolosha dadka iyo hawsha qaadashada Kaadhadhka oo gashay wejiga labaad ee labada gobol ee Maroodi-jeex iyo Togdheer.

muddadii weftigu ku gudo jiray socdaalkaasi maanta waxa dhacay shil baabuur, kadib markii uu dhacay mid ka mid ah gaadiidka weftiga KULMIYE xilli ay marayeen inta u dhaxaysa deegaannada Balanbaal iyo Nasiye ee hawdka Gobolka Togdheer, iyadoo nasiib-wanaag aanay jirin wax khasaare ah oo ka dhashay shilkaasi, marka laga yimaado khasaare burbur gaadhay baabuurka dhacay iyo qalabkii saarnaa.

Guud ahaan waxa nabad qaba oo aanay wax dhib ahi soo gaadhin afar qof oo saarnaa baabuurka dhacay oo kala ah; Guddoomiye-ku-xigeenka Garabka Haweenka KULMIYE ee heer qaran Marwo Dalays Shire Faarax, Mr. Jaamac Xaaji Axmed oo ka mid ah Golaha Dhexe ee xisbiga, sawir-qaade Ibraahim Cabdiqaadir Ibraahim (Ibraahim Eagle) iyo darawalkii waday baabuurka, kuwaas oo hadda ku sugan magaalada Burco.

Shilkaasi sahalka ah kadib waxa weftiga murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE Mudane, Muuse Biixi Cabdi halkiisii ka sii ambaqaaday scodaalkii uu ku marayey deegaannada Nasiye ee ka tirsan Gobolka Togdheer oo martiqaadyo casuumado ah iyo xaflado taageero ah loogu sameeyey.

Waxa kaloo xisbiga KULMIYE ugu baaqayaa muwaadiniinta reer Somaliland ee ku dhaqan gobollada Togdheer iyo Maroodi-jeex ee hore isu-diiwaangeliyey inay si buuxda u qaataan kaadhkooda codbixinta oo ay ka faa’iidaystaan muddada kooban ee ka hadhay waqtiga Komishanka Doorashooyinku u cayimay kaadh-qaadashada si ay codkooda ugaga qaybqaataan doorashooyinka soo socda ee Somaliland oo aanay u lumin xuquuqdooda

ALLAA MAHAD LEH.

Cali Jaamac Maxamed
_________________________________
Madaxa Warbaahinta Xisbiga KULMIYE

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post