X
    Categories: Warar

Xisbiga KULMIYE oo Iska Difaacay Eedaymaha Khilaafka UCID

“Muuse Biixi waa guddoomiyaha xisbiga KULMIYE meel uu xisbiga UCID ka soo galana ma ogin, hawlna tiisaa ka badan”
Afhayeenka xisbiga KULMIYE Xasan Gaafaadhi
Hargeysa(ANN)Xisbiga haya talada Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa iska difaacay eedamo xubno ka mid ah masuuliyiin ka tirsan xisbiga UCID ku xidhiidhiyeen khilaafka xisbigooda kala qaybiyey.
Afhayeenka xisbiga KULMIYE Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo shir jaraaid ku qabtay xarunta dhexe ee xisbigu ku leeyahay magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in aannu xisbiga KULMIYE iyo hoggaankiisu marnaba wax shaqo ah ku lahayn xisbiga UCID oo ah xisbi qaran oo qadarin iyo ixtiraam ka mudan, waxaannu u soo jeediyey masuuliyiinta xisbigaasi inay xallistaan khilaafkooda oo aanay cid kale kula galgalan.
Xisbiga UCID waa xisbi Qaran oo leh xeerarkiisa iyo qaab-dhismeedkiisa, waa xisbi qaran oo da’ weyn, ixtiraamna naga mudan haddaanu nahay xisbiga KULMIYE. Muuse Biixi waa Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, meel uu xisbiga UCID kasoo galanna ma ogin, hawlna tiisaa ka badan, ayuu yidhi Md. Xasan Gaafaadhi, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey, Xisbiga UCID waxay isku haystaan ha dhamaystaan dhexdooda, tartan aan xasarad lahayna ha u soo diyaargaroobo, aflagaadadu uma wanaagsana qof doonaya inuu ummad hoggaamiyo, xilligii hanjabaadanna waa laga soo gudbay, ciddii wax kala tirsanaysa waxay ku qurux badan tahay inay ku kala baxaan hannaanka sharciga.
Dhinaca kale, Afhayeenka KULMIYE waxa uu ka hadlay buug la sheegay inuu yahay waxqabadka xukuumadda oo muddooyinkii u dambeeyey lagu faafinayey baraha bulshadu ku wada xidhiidho, waxaannu yidhi, Beryahan waxa baraha bulshada qaarkood lagu arkayey buug tilmaamayey waxqabadka xukuumadda oo galkiisa sare uu ku yaalo sawirka Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, buugga waxqabadka waxa soo saaristiisa iska leh xukuumadda, shaqo xisbigu ku leeyahayna ma jirto, waxaana hoggaamiye ka ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo adeegayaashiisa u qaabilsan fulinta hawlaha guud.
Intaanu ka ognahay waa buug daabacaadiisa ay samaystay cid dano gaar ahi ka lehi, ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Afhayeenka xisbiga KULMIYE Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi).

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post