X
    Categories: Warar

Xisbiga KULMIYE Oo Canbaareeyay Weerrar Tacshiirado Rasaas Ah Oo Lala Beegsaday Goob Diiwaangelintu Ka Socotay

Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)Xisbiga KULMIYE, ayaa canbaareeyay koox dablay ah oo weerrartay goob kuwa diiwaangelintu ka socotay deegaanka Hadayta oo ka tirsan Lughaya, kuwaas oo tacshiirado rasaas ah ku kala eryay dadkii goobta iska diiwaangelinayay maanta.
Qoraal saxaafedeed kasoo baxay Xisbiga KULMIYE oo uu ku saxeexnaa Xoghayaha Guud ee Xisbiga Xasan Siciid Yuusuf, ayaa u dhignaa sidan:- “Xisbiga KULMIYE waxa uu si adag u cambaaraynayaa weerar lagu qaaday goob ay ka socotay diiwaangelinta codbixiyayaasha oo ku taal deegaanka Hadayta oo hoostimaada degmada Lughaya ee Gobolka Awdal.

Weerarkan oo ay gaysteen koox dad abaabulan ahi maanta (17/01/2016), isla markaana hakad galisay habsami-u-socodkii hawsha diiwaangelinta ee goobsaati, waxa xisbiga KULMIYE u arkaa mid carqalad ku noqonaysa fulinta diiwaangelinta iyo nabadgalyada bulshadaba.

Sidoo kale, ficillada fawdada noocani ahi waxay ka horimanayaan dawladnimada iyo hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland, sidaasi darteed, waa in xukuumaddu tallaabo adag oo sharciga waafaqsan ka qaado cid kasta oo ku lug lahayd weerarkan ka dhanka ah diiwaangelinta ka socotay ee deegaanka Hadayta.” ayuu lagu qoraal saxaafadeedka Xisbiga KULMIYE.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post