X
    Categories: Warar

Xisbiga KULMIYE oo Buuggaag ku Wareejiyey Maktabadaha Akhriska ee Maxamed Mooge iyo Gaandi

Araweelo News Network

Madaxa Xidhiidhka Warbaahinta ee Xisbiga Cali Jamac Maxamed oo wareejinaya Buuggaagta

Hargeysa(ANN)Xisbul Xaakimka Xukuumadda ee KULMIYE, ayaa Nuqulo Buuggaag ah ugu deeqay laba goobood oo ka mid ah Maktabaddaha iyo goobaha wax lagu akhriyo ee ugu aaweyn Hargeysa.
Nuqulada Buuggan oo ah daabacaddii u horaysay oo dhowaan soo baxay, isla markaana xanbaarsan inta baddan suugaanta iyo Maansada Abwaanka weyn ee geyiga Soomaalida laga yaqaano Abwaan Xasan Xaaji Cabdullaahi (Xasan Ganey), ayaa lagu wareejiyey maktabadaha Maxamed Mooge iyo Gaandi ee magaalada Hargeysa oo ka mid ah goobaha dhallinyaradu wax ku akhrisato.

Masuuliyiinta ka tirsan Xisbiga KULMIYE, ayaa 25 nuqul oo ka mid ah Buugga cusub ee “Bad Macaan” ee lagu ururiyey qaybo ka mid ah suugaanta Abwaanka caanka ah ee Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan Ganay) ku wareejiyey labada maktabadood ee Maxamed Mooge iyo Gaandi maanta, si dhallinyaradu fursad ugu hesho ay kaga faa’iidaystaan suugaanta iyo dhaqankooda ku duuggan buuggan.

Madaxa Xidhiidhka Warbaahinta ee Xisbiga KULMIYE Cali jaamac Maxamed oo wareejinaya Buuggaagta


Madaxa Waaxda Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE Mr. Cali Jaamac Maxamed oo uu uu wehelinayey Maxamuud Axmed Xirsi oo ka mid ah dhallinyarada ku firfircoon qoraalka iyo dhaqanka, ayaa buugaagtaasi ku wareejiyey masuuliyiinta labada maktabadood.

Mr. Cali Jaamac Maxamed, waxa uu sheegay in xisbigooda oo mar walba diyaar u ah dhiirrigelinta iyo taageerida da’yarta uu ugu talogalay buugaagtan tiradoodu kooban tahay inay ka faa’iidaysaantaan dhallinyarada aan fursadda u helin inay iibsadaan, si ay kor ugu qaadaan barashada Afkooda iyo dhaqnkooda Hooyo.

Guddoomiyaha xarunta kaydka Hiddaha iyo dhaqanka ee Maxamed Mooge Hoodo-ayaan Suldaan Aadan Faarax iyo weliba hawlwadeennada maktabada Gaandi, ayaa ka mahadceliyey deeqdaasi buugaagta ah oo ay sheegeen inay waxtar wayn u yeelanayaan dhallinyarada.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post