Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)Xisbul Xaakimka Xukuumadda ee KULMIYE, ayaa Nuqulo Buuggaag ah ugu deeqay laba goobood oo ka mid ah Maktabaddaha iyo goobaha wax lagu akhriyo ee ugu aaweyn Hargeysa.Nuqulada Buuggan oo ah daabacaddii u horaysay oo dhowaan soo baxay, isla markaana xanbaarsan inta baddan suugaanta iyo Maansada Abwaanka weyn ee geyiga Soomaalida laga yaqaano Abwaan Xasan Xaaji Cabdullaahi (Xasan Ganey), ayaa lagu wareejiyey maktabadaha Maxamed Mooge iyo Gaandi ee magaalada Hargeysa oo ka mid ah goobaha dhallinyaradu wax ku akhrisato.
Masuuliyiinta ka tirsan Xisbiga KULMIYE, ayaa 25 nuqul oo ka mid ah Buugga cusub ee “Bad Macaan” ee lagu ururiyey qaybo ka mid ah suugaanta Abwaanka caanka ah ee Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan Ganay) ku wareejiyey labada maktabadood ee Maxamed Mooge iyo Gaandi maanta, si dhallinyaradu fursad ugu hesho ay kaga faa’iidaystaan suugaanta iyo dhaqankooda ku duuggan buuggan.
Madaxa Waaxda Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE Mr. Cali Jaamac Maxamed oo uu uu wehelinayey Maxamuud Axmed Xirsi oo ka mid ah dhallinyarada ku firfircoon qoraalka iyo dhaqanka, ayaa buugaagtaasi ku wareejiyey masuuliyiinta labada maktabadood.
Mr. Cali Jaamac Maxamed, waxa uu sheegay in xisbigooda oo mar walba diyaar u ah dhiirrigelinta iyo taageerida da’yarta uu ugu talogalay buugaagtan tiradoodu kooban tahay inay ka faa’iidaysaantaan dhallinyarada aan fursadda u helin inay iibsadaan, si ay kor ugu qaadaan barashada Afkooda iyo dhaqnkooda Hooyo.
Guddoomiyaha xarunta kaydka Hiddaha iyo dhaqanka ee Maxamed Mooge Hoodo-ayaan Suldaan Aadan Faarax iyo weliba hawlwadeennada maktabada Gaandi, ayaa ka mahadceliyey deeqdaasi buugaagta ah oo ay sheegeen inay waxtar wayn u yeelanayaan dhallinyarada.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews
WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380