X

Xirsi Cali Xaaji Xasan Hoggaamiyaha WADDANI Oo Shaaciyay Hankiisa Jagada Guddoomiyaha Xisbiga

Hoggamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANi, Xirsi Cali Xaaji Xasan, Image Araweelo News Network, 28 Oct, 2021.

Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Hoggamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANi, Xirsi Cali Xaaji  Xasan, ayaa si cad u shaaciyay  hankiisa uu ku doonayo inuu noqdo Guddoomiyaha Xsibiga, isla markaana u taagan yahay inuu u tartamo, marka laysugu yimaado masraxa loogu tartamayo hoggaanka Xisbiga.

Siyaasiga Xirsi Cali Xaaji Xasan, wuxuu sidaa ka sheegay mar uu maanta safaaxadda kala hadlay  loollanka loogu jiro hoggaanka xisbiga, iyadoo xilligan ay muuqato in dibedda lagu sii dhammeeyay arrimo baddan oo la xidhiidhay  siyaasiyiin iyo haldoor ka mid ah xisbiga oo la guuxayay damacooda iyo hanka hunguriga siyaasadeed ee ku jiray.

Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan, wuxuu ku dooday in uu xaq u leeyahay inuu ku tartamo jagada guddoomiyaha Xisbiga, isagoo  sheegay in ay jiraan saddex sababood oo ku dhiirinaya hankiisa xilka uu doonayo inuu ku tartamo, marka la gaadho shirweynaha Xisbiga ee loo balamay 15 ilaa 16 November 2021.

 

“Maaha in aan leeyahay waxaan ahayn qofka ugu muddan, laakiin waxaan is leeyahay waad ugu haboontahay oo waad ka saari kartaa  xisbiga kaalinta uu ku jiro, waana sababta aan u weydiisnayo bahweynta WADDANI, inay ” Ayuu Xirsi.

Wuxuu sheegay in ujeedada ka jburaysa inuu bahweynta Xsibiga uga codsanyo in ay u doortaan ay tahay, si Xsibigu ugu guulaysto doorashada iyo dawladdnimada, sidoo kale, wixuu hoggaamiye Xirsi ka dhawaajiyay in ay qorshayaashiisa ka mid tahay inuu dhiso Xisbiga oo gaadhsiiyo guusha, isla markaana ka shaqeeyo hotumarka Xisbiga iyo inuu noqdo mid kasii kaxeeya halkii lasoo gaadhsiiyay.

Hoggaamiye Xisri, wuxuu xusay in markii ay isaga iyo kooxdii la socotay ay kusoo biireen Xisbiga ku heshiiyeen 14 qodob oo sida uu sheegay ka turjumayay bulshadii ay metelayeen, balse aannay ujeedadu markaa ahayn in xil iyo mansab ay doonayeen ee qorshohoodu ahaa dhismaha Xsibiga iyo in ay ka dhex arkaan, ama ka dhex fuliyaan himilada iyo dhismaha qaranaka.

 

Siyaasi Xisri Cali Xaaji Xasan oo maanta guddida qaban-qaabada u gudbiyay  waraaqihiisa iyo wixii shuruudo ah ee ku xidhan qofka doonayo inuu tartan u galo hoggaanka Xisbiga, wuxuu si cad u shaaciyay hankiisa guddoomiyaha Xsibiga WADDANI.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Hoggaamiye Xirsi.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa warbxinaha iyo wararka ay

soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com

 

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post