X
    Categories: Warar

Xildhibaano Soomaaliya Ah Oo Xukuumadda Farmaajo Ku Eedeeyay Inay Dagaal Kula Jirto Somaliland

Muqdisho(ANN)-Qaar ka mid ah Xildhibaanada labada gole ee  Baarlamaanka ee Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa dowladda federaalka  ku eedeyay inay qaaday tallaabooyin ay sheegeen inay tahay cunaqabatayn ay la doonay Dawladda Somaliland.

Xildhibaannada oo asalkooda kasoo jeeda deegaano Somaliland, balse ka mid ah shaqsiyaadka ka midka ah golayaasha Federaalka Soomaaliya oo ay Somaliland sheegto in aanay metelin deegaamadaa, ayaa dowladda Federaalka ku eedeyay inay cunaqabateyn ku heyso shacabka deegaannada Somaliland.

Sidoo kale xildhibaannada ayaa cambaareeyay heshiis ay sheegeen dowladda Federaalka la gashay dawladda Sacuudiga, waxayna iyagoo arrintaa ka hadlaya yidhaahdeen, “Culeys gaar ah ayaa saaran Somaliland iyo ganacsatada gobollada waqooyiga,  tan iyo markii uu xilka qabtay madaxweyne Farmaajo.” ayuu yidhi,  xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ka mid ahaa xildhibaannada shirka jaraa’id ku qabtay Muqdisho.

Waxaa kalo uu inta ku daray in deegaannada Somaliland laga joojiyay hay’addihii gargaarka gaadhsiin jiray, waxaana  ay Gabagabadii, xildhibaannadu beeniyeen hadalkii  ra’iisal wasaare ku-xigeenka oo sheegay dowladda Federaalka xidhiidh ay la samaysay Sacuudiga si loo fasaxo markab xoolo siday oo lagu xanibay Sacuudiga, waxaana ay sheegeen sii deynta markabka dowladda inaanay wax lug ah ku lahayn.

Xildhibaannada, ayaa eedeyay dowladda Federaalka xilli toddobaadkii hore uu madaxweyne Farmaajo magacaabay guddi uu sheegay in ay yihiin kuwo loo xulay oo dawladda Federaalku u xisay  heshiisiinta iyo wada-hadallada  labada dowladood ee Soomaliland iyo Soomaaliya.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post