Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)- Mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku goodiyey inay iska casili doonaan kuraastooda kadib markii iyagoo hore u fadhiyey 12 sanno iminkana Golaha Guurtidu u kordhiyey muddo kale oo dheer, halkii muddo-xileedkooda doorasho ka ahaa shan sanno oo keliya.
Golaha Guurtida Somaliland oo muddo kordhin cusub u sameeyey golayaasha qaranka oo dhan maalintii Isniintii toddobaadkan kadib markii doorashooyinkoodii dib u dhaceen, ayaa muddo laba sanno ah xilka u dheereeyey xildhibaannada aqalka Wakiillada ee hadda fadhiya oo ah 28 April 2017 ilaa 28 April 2019.
Haseyeeshee, dhawr xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiillada oo warbaahinta la hadlay, ayaa ka soo horjeestay muddada loo kordhiyey golahooda, iyagoo laba mudane oo kala ah; Maxamed Cali Xirsi (Obama) iyo Cabdillaahi Xuseen Cige (Balaaki) shaaciyeen inay qorshaynayaan sidii ay iskaga casili lahaayeen xilka xildhibaanno ee aqalkooda.
Ugu horreyn, Md. Maxamed Cali Xirsi (Obama), ayaa sheegay in ay qaranka iyo iyagaba ceeb ku tahay muddo dhawr iyo toban sanno ah fadhiyaan golaha oo hal mar oo keliya loo doortay.
Xildhibaan Obama waxa uu soo dhaweeyey muddo-kordhinta Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka, balse waxa uu ganafka ku dhuftay waqtiga dheer ee ay u kordhiyeen Golaha Wakiillada iyo golayaasha deegaannada dalka, waxaannu yidhi, “Golaha Guurtidu isagaa xaq u leh in uu go’aamiyo muddo-kordhinta, waxaannan ku hambalyaynayaa Guurtida go’aankaa geesinidama leh ee ay qaateen iyagoo eegay danaha qaranka oo sidii caadada ahaan jirtay golaha aanay kordhin sannad iyo laba sanno, laakiin markii ay eegeen duruufaha yaala ayey qaateen wixii xisbiyadu ku heshiiyeen ee ahaa doorashada Madaxtooyada.”
“Doorashadda Golaha Wakiillada inay qabsoomi waydo aad iyo aad ayaan uga xumahay ka xildhibaan ahaan in doorashada Golaha Wakiillada dib u dhac ku yimaado, waxaynu nahay dal curdina oo dimuqraadiyadu hagayso, 2005-tii baanu nimi, iminkana 12 sanno ayaanu maraynaa oo kuraasida ku fadhinaa, halkaa waxaad ka arkaysaa in dib u dhac ku yimmi habkeenna dimuqraadiga ahaa ee doorashooyinkeenna, taas oo astaan xun innagu noqon doonta hadday ictiraaf-raadis noqoto iyo hadday noqonto xidhiidhka aynu doonayno in aynu dhisno ee innagala dhexeeya bulshada caalamka, waxaannu qabnaa in aanay arrintaasi inna caawinayn, annagoo golaha fadhinayna aanay nagu qurux badnayn in aannu qaranka hortaagnaano, iyadoo naloo tirinayo wax badan oo khaldamay in aannu sabab u nahay,” ayuu yidhi Md. Maxamed Cali Xirsi.
Waxa kaloo uu iftiimiyey in isaga iyo mudanayaal kaleba ay qorshaynayaan sidii isbeddel uga dhici lahaa golahooda Wakiillada, isla markaana ay kuraasta ay ku fadhiyaan u bannayn lahaayeen ummaddii soo dooratay.
“Annagoo xildhibaano faro badan ah go’aamo ayaanu ka soo saari doonaa, waxa laga yaabaa in qaar naga mid ahi iscasilaan, annagoo qabna in aannu shacabka tusno in aanaan ahayn dad kuraasta iska jecel oo iska fadhiya, Golaha Wakiillada waa inuu isbeddel dhab ah sameeyo haddii ay noqoto mid shirguddoon iyo mid xildhibaanba, meelaha Qaranku ka daciifay ayey ka mid tahay golahani, madaxweynaha mustaqbalka imanaya ayaanay u taalaa waxa laga yeelayo golayaasha,” ayuu yidhi Md. Obama.
Waxa kaloo uu u soo jeediyay Komishanka Doorashooyinka Qaranka in ay u diyaar garoobaan sidii ay u qaban lahaayeen doorasho xor iyo xalaal ah; “Komishanka doorashooyinka, waxaan u soo jeedinayaa in ay u diyaar garoobaan sidii ay dalka uga qaban lahaayeen doorasho xor iyo xalaal ah, oo aanay doorashadaasi dib u dhicin oo aanay marmarsiyo danbe aanay la iman haddii ay abaaro noqoto oo ay sii jirto, waa arrin aad u culus oo komishanka dooorashooyinka ciddina ka yeeli mayso xisbi yidhaahda dib ha noolugu dhigo doorashada madaxtooyada. Annagu haddii aanu nahay xisbi xaakimka diyaar ayaanu u nahay in doorashada Madaxtooyadu qabsoonto, dalkuna waxa uu u baahan yahay isbeddel siyaaseed,” ayuu yidhi Md. Maxamed Cali Xirsi.
“Qabashada doorashada Madaxtooyada, waxaan filayaa inay faa’iido badan dalka u soo jiidi doonto. isbeddel ayaa Soomaaliya ka dhacay, waxyaabahaas oo dhan waxay u baahan tahay in aanay doorashada madaxtooyada dib u dhaca ku iman. Markii horena dib u dhaca doorashadda madaxtooyadu waxa uu ka yimid xisbiyada mucaaradka ah. xisbiyadduna waa in ay u diyaargaroobaan doorashadda Madaxtooyada oo xor iyo xalaal ah iyo olole qiimo leh oo ku salaysan waxqabad ay ummadda soo hordhigaan oo aan lahayn xanaf iyo qabyaalad,”ayuu yidhi Xildhibaanku.
Md. Maxamed Cali Xirsi waxa uu shacabka reer Somaliland ugu baaqay in wax ku doortaan oo ay codkooda ku bixiyaan aqoonta ay u leeyihiin murrashaxiinta tartamaysa, waxaanu yidhi, “Shacabka waxaan leeyahay waa inay wax ku doortaan aqoonta ay u leeyihiin murrashaxiinta waxa ay soo hordhigi doonaan waa in ay qiimeeyaan. Qaranka yaa u soo shaqeeyay, yaana ka bixi kara hawshaa culus iyo waxqabadka ay la iman doonaan oo ay kow ka noqon doonto iyo misaaniyadda yaa kordhinaya, waddooyinka yaa dhisaya, heshiisyadda caalamiga ah ee la saxeexay yaa sii wadaya, qodobbada noocaas ah weeye in ay wax doortaan ee aanay indho la’aan wax ku dooran.”
Xildhibaan Maxamed Cali oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi, “Golayaasha degaannada dalku waxay maamulaan lacag dhan sodon milyan oo doolar. Wax badan oo dhaliilo ah oo xukuumadda lagu dhaliilo iyagaa leh, waana gole looga baahan yahay in uu wax badan fuliyo oo uu magaalooyinka kordhiyo bilicdooda, waana in ay wax ka beddalaan shaqadooda muddadaa loo kordhiyay.”
Sidoo kale, Xildhibaan Cabdillaahi Xuseen Cige (Balaaki), ayaa isna shaaciyey in ay u qorshaysan tahay iscasilaad kadib marka uu la tashi kala sameeyo deegaankii laga soo doortay, waxaannu yidhi, “Ka xildhibaan ahaan aniga iyo rag badan oo ila mid ahina aannu hadda rabno in aannu deegaannadii nalaga soo doortay wax ka waydiino oo ay xataa iman karto si aannu ummadda u tusno golahan aannu ku raagnay in ummadda aannu meesha u bannayno oo haddii ay nala qaataan deegaannada nalaga soo doortay aannu bannayno golaha si aannu u tusno in aanaan ku sii dheganayn golahan aannu muddada badan fadhinay.”
“Golaha aannu ku jirno ee intaa soo joogay oo haddana saddexdii casho ee ugu dambeeyey kooram uu ku fadhiisto loo la’yahay, golahayaga laftiisa ayey ceeb ku tahay,” ayuu intaa raaciyey.
Dhinaca kale, xildhibaan Axmed Ducaale Bullaale oo isna ka hadlay shirkaasi jaraa’id, ayaa tallaabada labadan xildhibaan shaaciyeen ku tilmaamay inay tahay sixitaan golahooda dhexdiisa ah, “Saaxiibadaa iga horreeyey ee hadlay dareen wanaagsan bay muujiyeen, anigu waxaan u qaadanayaa gole ahaan in aannu is cannaananayno, hadday tahay hawlahaaga sidaad u gudbinayso, hadday tahay waajibaadka kuu yaala iyo hadday tahay hab-dhaqanka siyaasiga ah ee lagu jiro iyo dimuqraadiyadda.
Waxaan la qabaa saaxiibaday in goluhu hawlihiisa uu wax ka beddelo ayuu u baahanyahay, hadda waqti dheer baa loo kordhiyey, hoggaaminta golaha la hoggaaminayaan qayb muhiim ah ayey ka tahay,” ayuu yidhi Md. Axmed Ducaale Bullaale.