X
    Categories: Warar

Xildhibaano Lagu Dilay Muqdisho Iyo Khasaaraha Ka Dhashay Weerar Al-shabaab Ku Qaaday Huteel Ambassador Muqdisho

Araweelo News Network

Mogadishu(ANN)Weerraro isugu jira Qarax iyo Tacshiirado raasaas ah ayaa lagu weerraray Huteel Ambassador Muqdisho abaaro 5tii iyo 40 daqiiqo waqtiga Afrikada bari. Qarax dhawaaq weyn sameeyay kaddib waxay rag hubeysan gudaha u galeen hotelka.


Labo ka tirsan xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya, ayaa ku dhintay qaraxa iyo weerrarka lagu qaaday hotel Ambasador ee magaalada muqdisho.
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka Soomaaliyeed SONNA, xildhibaanada ayaa kala ah Cabdulaahi Jaamac Kabaweyne iyo xildhibaan Maxamuud Maxamed Guure.

Ugu yaraan Toban Qof, ayaa la sheegay inay ku dhinteen iyadoo dhaawacuna uu gaadhay 40 sida ay sheegeen goobjoogayaal iyo shaqaalaha gurmadka caafimaadka ee Muqdisho.

Xarakada Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u sheegatay masuuliyadda weerrarkaa oo sida ay sheegeen isugu jiray Istish-haadiyo iyo koox xoog-ku galay gudaha Huteelka oo la wareegay xili masuuliyiin Dawlada Federaalka shirar uga socdeen gudaha Huteelka.

Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa sheegay in mid ka mid ah dagaaliyahannadooda oo gaadhi uu watay isku qarxiyay afaafka hore ee Hotelka ka dibna ay rag hubeysan xoog ku galeen hotelka oo ay la wareegeen.

Hay’adda Sirdoonka Somalia ee NISA, ayaa Barta Twitterka soo dhigtay qoraal sheegaya in howlgalku dhamaaday oo ay nadiifin socoto, balse warar kale ayaa sheegaya in weli dagaal ka socdo gudaha Huteelka, isla markaana la arkayo maydad badan oo daadsan iyo dhaawac afaafka huteelka, iyadoo bur-bur weyn ka muuqdo dhismaha Huteelka, balse ma jiraan warar madaxbanaan oo xaqiijinaya khasaaraha dhabta ah iyo waxa ka socda gudaha Huteelka.

Mana jiro war rasmi ah oo Saraakiisha Amaanka Xukuumadda Somalia kasoo saareen weerarkaa iyo khasaaraha ka dhashay.
Al-shabaab ayaa sidan oo kale weerarro qaraxyo iyo hujuun uga samysa Huteelada Muqdisho iyo Xarumaha Dawlada ee Ciidamada iyo Hay’addaha gaarka ah, waxayna ka fuliyaan Magaalada Muqdisho weerarro qorshaysan oo lagu ugaadhsado saraakiisha dawlada iyo Hay’addaha Qaramada Midoobay, iyadoo dadka weerarradaa fuliyaa baxsadaan oo aanay ku guulaysan hay’addaha amaanku inay gacanta ku dhigaan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post