X

Xildhibaano Isku Farasaaray Fadhigii Gollaha Ee Ansixinta Miisaaniyadda 2022

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Xildhibaano ka tirsan gollaha wakiiladda Somaliland, ayaa isku farasaaray fadhigii lagu ansixinayay miisaaniyadda 2022, taas oo waxoogay sawaxan iyo buuq ka dhalisay kaddib markii la dhegeystay warbixin ay guddida dhaqaaalahu ka jeediyay fadhiga,.

Warbixinta guddida dhaqaalaha markii ay mudanayaashu dhegeysteen, wuxuu guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif oo fadhiga guddoominayay ku wargeliyay xildhibaanada in uu siinayo dhawr daqiiqo si ay afkaartooda uga dhiibtaan warbixinta guddida dhaqaalaha ee la xidhiidha Miisaaniyadda.

Guddoomiyaha, ayaa hadalka siiyay Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf oo caan ku ah (Xidhibaan Ooyaaye), isla markaana ka mid ah muddanayaasha ugu fir-fircoon ee inta baddan dooda kulul ka jeediyay fadhiyada gollaha.

Hase yeeshee markii uu mikirifoonka qabsaday Xildhibaan Maxamed Abiib oo dood dheer qaatay ayaa naqdiyay miisaaniyadda, waxayna muddanyaasha qaarkood soo dhexgaleen doodiisa, iyagoo ka dalbanaya inuu soo gaabiyo si ay iyaguna fursad ugu helaan dooda.

Xildhibaanka, ayaa ku dooday in uu xaq u leeyahay in aan dooddiisa la xakamayn oo uu xaq u leeyahay, siagoo u jawaabaya muddanayaasha qaarkood iyo shirgudoonka, balse Xildhibaan Meecaad oo kusoo kacay, isla markaana dhankiisa ka dalbayanaya inuu ka baxo doodda waxa dhexmaray dagaal gacanta laysula tegey oo buuq iyo sawaxan ka abuurayfadhiga, taas oo sababtay in mar keliya madashu isu bedesho goob dagaal.

Hase yeeshee xildhibaanada, ayaa kala qabtay labada muddane, taas oo sababtay in lasoo gebagebeeyo doodda misiaaniyadda, isla markaana shirgudoonka ayaa markaa kaddid markii uu dejiyay jawiga fadhiga muddanayaasha cod u weydiiyay miisaaniyadda, isagoo ka dalbaday in loo coddaynayo in miisaaniyadda lagu ansixiyo soo jeedinta guddida dhaqaalaha ee gollaha laga akhriyay iyo in la diidio, sidaana waxay 57 xildhibaan oo ka mdi aha 67 muddane oo madhasha fadhiyay ku ansixiyeen misaaniyadda 2022.

Muuqaalkan Ka Daawo Dagaalka Xildhibaanada

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post