X
    Categories: Warar

Afar Ka Mid Ah Xildhibaanada Gebilay Oo Xabsiga Loo Taxaabay Iyo Mawqifka Kooxda Iyo Maayarka Oo Idaacada BBC-da Ku Eedeeyay Been Abuur

Maayarka Gebilay Maxamed Amiin Cumar Cabdi

“Ma jirto meel ay igu waraysteen BBC-da Soomaaligu, waxayna sheegeen Inay Maayarka Waraysteen” Maayarka Gebilay Maxamed Amiin Cumar Cabdi.

Gebilay(ANN)-Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa xabsiga u taxaabay Afar ka mid ah Xildhibaano maalmihii u danbeeyay Mooshin ku waday Maayarka Magaalada Gebilay Maxamed Amiin iyo ku xigeenkiisa.

Xildhibaanada maanta Xabsiga loo taxaabay, ayaa kala ah, Mahdi Maxamed Xaashi, Iid Xasan Cabdi (Iid Xasan Dheere), Xasan Axmed Maxamed  (XasanDhegjar) iyo Buraale Mawliid Cabdi, kuwaas oo ciidanka Boolisku xabsiga u taxaabeen, iyadoo aanay Boolisku ka hadlin sababta xadhigooda.

Xildhibaan Maxamed Amiin Cali oo ka mid ah Xildhibaanada watay Mooshinka, ayaa ka hadlay xadhiga Afarta Xildhibaan, wuxuuna ku tilmaamay mid aan sharci ahayn.

“Annagu diyaar ayaanu u nahay inaanu xilka ka qaadno  Maayarka iyo Maayar ku xigeenka  11 Xildhibaan ee Xeerka Baarlamaanku ansixiyayna waanu dabaqaynaa, ,mana nihin kuwo ka hadhaya mawqikooda, haddii magaalada laga soo gaadhi waayona Laba Maayar iyo Laba Maayar ku xigeen ayay yeelanaysaa” ayuu yidhi, Cabduqaadir Maxamed faarax  oo ka Mid ka mid Xildhibaanada ka hadlay arrintaa xadhiga Afarta Xildhibaan oo ka mid ah sida uu sheegay Xildhibaanada wada Mooshinka la doonayo in xilka lagaga qaado Maayarka iyo Maayar ku xigeenka Gebilay.

Xadhiga Afarta Xildhibaan, waxa xadhigoodu kusoo beegmay mar ay maanta Idaacada BBC-laanteeda Af-Soomaaligu sii deysay waraysi ay la yeelatay Xildhibaan Xasan Axmed Maxamed  (XasanDhegjar) oo sheegay in aanay ka tanaasulayn mooshinka ay doonayaan in xilka lagaga qaado Maayarka iyo ku xigeenkiisa.

Sidoo kalewaxa ay Idaacada BBC-da laanteeda Af-Soomaaligu markaa kadib waraysatay qof ay ku sheegeen inuu yahay Maayarka Magaalada Gebilay, waxaana Markaa kadib Waraabinta maxaliga ah la hadlay Maayarka Gebilay Maxamed Amiin Cumar Cabdi oo sheegay  in been abuur laga sameeyay laga baahiyay Idaacada BBC-da.

“”Warkii Subaxnimo ee Idaacada BBC-da Soomaaliga, ayaan dhegeystay oo ay kaga hadlayaan Gebilay oo lagu waraysanayo sida ay sheegayaan Xildhibaan iyo Maayarka Gebilay Maxamed Amiin Cumar Cabdi, mana jirto meel ay igu waraysteen iyaga ayaa sheegi doona BBC, waxaana Bulshada u sheegayaa in aanan ka hadhayn arrintaa beenta qaawan ah.”

Dhinaca kale Xadhiga Afarta Xildhibaan, ayaa kusoo beegmay maalin kadib markii Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland soo saartay wareegto lagu mamnuucayo mooshinada xildhibaanada 23 Degmo Doorasho ee la doonayo in xilka lagaga qaado Maayarada iyo ku xigeenadooda, waxaana la faray inay u hoggaansamaan wareegtadaa.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post