X
    Categories: Warar

Xildhibaan hore uga Tirsanaa Guurtida Somaliland oo Aas Qaran loogu Sameeyey Hargeysa

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Marxuum Xildhibaan Sheekh Cumar Sheekh Axmed Furre oo hore uga tirsanaa Golaha Guurtida Somaliland, ayaa aas qaran loogu sameeyey caasimadda Hargeysa oo uu ku geeriyooday habeenimadii Isniintii.
Aaska Marxuumka waxa qaybgalay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna Ku-simaha Madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, in badan oo ka mid ah xildhibaannada Guurtida iyo Wakiillada iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo kumanaan dadweyne ah.
Masuuliyiinta kala duwan ee ka qaybgalay aasku waxay ka hadleen taariikhda uu lahaa Marxuum Xildhibaan Sheekh Cumar Sheekh Axmed Furre, iyagoo Alle uga baryey inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, waxaanay dhambaalo tacsi ah u direen qoyska iyo shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay.
Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hadlay geerida Marxuumka waxa uu yidhi, “Marxuumku waxa uu ka mid ahaa raggii soo bilaabay dalkan dib-u-dhiskiisa iyo nabadayntiisii oo uu runtii taariikh wayn ku lahaa qaranka Somaliland, waxaannu Ilaahay uga baryeynaa inuu jannadiisa ka waraabiyo, dhammaan qoyska, ehelka iyo shacabka uu ka taganayna samir iyo iimaan ka siiyo.”
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa isna ku tilmaamay marxuumka, “Marxuumka wax dayn ah oo lagu lahaa wixii uu ummadda u adeegi lahaa wuu soo qabtay, sheekh wayna wuu ahaa, wuu gutay adeegiisii ee Ilaahay ha u naxariisto, eheladiisii iyo innagana Ilaahay samir ha innaga siiyo nin qaran buu ahaaye.”
Sidoo kale, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha Md. Muuse Biixi Cabdi oo isna ka hadlay geerida Sheekh Cumar, ayaa ka tacsiyadeeyey shacabka iyo qoyska uu ka baxay, waxaannu marxuumka ku sifeeyey oday miisaan ku lahaa qaranka Somaliland oo baxay, “Marxuum Sheekh Cumar Sheekh Axmed Furre waxa uu ka mid ahaa odayaashii ugu horreeyey ee lagu aasaasay Golaha Guurtida Somaliland, waxa uu ahaa caalim diinta Islaamka aqoon badan u lahaa, shakhsi afkiisa iyo adinkiisaba laga nabadgalay oo cibaado badnaa, waxaannu kaalin wayn ku lahaa nabadayntii iyo dib-u-dhiskii qaranka Somaliland,” ayuu yidhi Muuse Biixi.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post