X
    Categories: Warar

Xildhibaan Gurxan Oo Ku Baxay Gacanta Al-shabaab

Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan

Mogadishu(ANN)Dowladda Federaalka, ayaa xaqiijisay in uu geeriyooday Xildhibaan Max’med Axmed Gurxan oo saaka lagu weeraray meel aan sidaa uga fogayn xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

 

Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Somalia, Max’med Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa xaqiijiyay in Xildhibaan   Maxamed Axmed Gurxan. uu ku dhintay Cusbitaalka lagu dawanaynay dhaawaciisa, kadib markii xaaladdiisa caafimaad ay cuslaatay.

 

Xildhibaanka, ayaa Xoogag katirsan xarakada Al-shabaab ku weerareen saaka aroortii agagaarka dhismaha Ex.Bacadlihii Xamar Weyne, kuwaas oo tacshiirado rasaas ah la beegsaday, isla markaana goobta ka cararay. sida lagu sheegay war kasoo baxay taliska ciidanka Al-shabaab oo sheegay in ciidamadooda gaarka ahi fuliyeen weerarkaa oo sida ay sheegeen qayb ka ah hawlgalo ay ku ugaadhsanayaan Xildhibaanada iyo Madaxda dawlada Somalia ee ku sugan Mogadishu.
Sanadkan 2015, waa xildhibaankii lixaad ee ku dhinta weerar Al-shabaab ka fuliso gudaha magaalada Muqdisho oo lagu bartilmaameedsado mudanayaasha Baarlamaanka Somalia, waxayna sheegeen inay sii wadayaan weerarada sidan oo kale ah.
Todobaadkii hore, waxay Al-shabaab weerar iyo qarax wada socda ka fulisay Huteelka Saxafi, halkaas oo ay ku dhinteen Abaanduulihii Ciidanka Somalia Gen. Cabdikariim Dhega-badan , Mulkiilihii Huteelka Cabdirashiid Ilqayte, Xildhibaan Abtidoon Koofi iyo dhawr iyo qoban qof oo dad uu ku jiro weriye Mustafe Shafaana oo ka tirsanaa warbaahinta ka hawlgasha magaalada Muqdisho, iyadoo dhawr iyo labaatan qof dhaawacyadooda loola cararay cusbtaalada Muqdisho.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post