X
    Categories: Warar

Xildhibaan Dhakool Oo Ka Hadlay Waxa Uu Ka Yeelayo Shaqsiyaad Uu Sheegay Inay Xadhigiisa Ka Danbeeyeen

Xildhibaan Dhakool,

Hargeysa (ANN) – Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland kaga jira gobolka Sool, ayaa warbaahinta la hadlay, kadib markii shalay laga sii daayay xabsiga ee uu xoriyadiisa dib u helay, isagoo muddo bil iyo dhawr maalmood ah xidhnaa.

 Xildhibaan Dhakooloo Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay xadhiggiisa ka dambeeyeen  7 qof  oo aannu magcaabin kuway yihiin, balse uu sheegay inay hore isku necbaayeen.

“Ummadda reer Somaliland iyo deegaannada aan ka soo jeedo midbaan u sheegayaa, Aniga Qabiil ima xidhanin, Isaaq ima xidhan, Habar Awal na ima xidhan, Sacad Muuse-na ima xidhan, laakiin Xadhiggayga 7 Nin oo Awalba i necbaa ayaa sabab u ahaa..” ayuu yidhi, Xildhibaan Dhakool, iyagana meel khayr leh ayuu Illaahay dhigi doonaa,”

Xildhiban Dhakool, ayaa yidhi, “Waxaan u mahad-celinaynaa oo aan la hilmaami karin doorkii weynaa ee ummadda reer Somaliland meel kasta oo ay joogto ay arrintaa (siidaynta) ka qaadatay..”

Xildhibaanku waxa kale oo uu sheegay “Waxa kale oo aan iyagana Cafinayaa wax Allah iyo wixii arrintaa xumaan, hadday tahay mid Sharciyeed, hadday tahay mid Cunsuriyadeed iyo hadday tahay mid qofnimo iga galay Cafis bay iga yihiin, marka laga reebo Faysal Cali Waraabe..” ayuu yidhi

Xildhibaanka Dhakool, waxa xabsiga la dhigay markii uu xuska 18-ka May ku tilmaamay mid madaw, wuxuuna xusay in Boolisku markii ay gurigiisa ka kaxaynayeen ay sixun ula dhaqmeen, balse aanu wax xumaan iyo dhib ah la kulmin mudadii uu xabsiga ku jiray.

Xildhibaan Dhakool Oo Ka Hadlay Waxa Uu Ka Yeelayo Shaqsiyaad Uu Sheegay Inay Xadhigiisa Ka Danbeeyeen

Sidoo kale, wuxuu xusay inuu cafiyay dadkii kale oo dhan marka laga reebo Faysal Cali Waraabe, oo uu ku tilmaamay nin marfuucal qalim ah, sidaa awgeed aanu waxba u raacayn.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post