X
    Categories: Warar

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle Oo Ku Geeriyooday Cusbitaal Dalka Hindiya

Araweelo News Network

 

Marxuum Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle (photo file) Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Allaah ha u naxariistee Md. Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo ka mid ahaa Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku geeriyooday cusbitaal ku yaal dalka Hindiya oo xaalad caafimaad loo geeyey dhawaan.

Md. Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle waxa uu ka mid ahaa xiligan mudanayaasha Golaha Wakiillada ee laga soo doortay Gobolka Sanaag, wuxuunz ka soo baxay xisbiga KULMIYE sannadkii 2005-kii, isagoo dhowaan u tartamay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland oo hal cod oo muran dhliyay lagu kala guulaystay, balse uu Guddoomiye Baashe oo ay ku tartameen Kursiga Gudoomiyaha u hanbalyeeyay.

sidoo kale Marxuum Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle,  wuxuu muddo dheer ka mid ahaa xubnaha hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE, balse waxa uu markii dambe u digo-rogtay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo uu ku biiray sannadkii 2016., isagoo xiligan Ka mid ahaa.

Marxuum Cabdiraxmaan Talyanle, wuxuu xiligii Xukuumaddii Madaxweyne Cigaal noqday Maareeyaha Madbacada Qaranka Somaliland.

Allaah ha u naxariistee marxuum Cabdiraxmaan Talyanle, waxa uu ahaa mudane iyo siyaasi afgaaban oo ixtiraam badan, wuxuuna magac iyo taariikh kaga tegay bulshada Jamhuuriyadda Somaliland.

Tafaftiraha Shebekada Araweelo News Network, Carraale M. jama, hawlwadeenadai iyo  dhamaan bahda Araweelo News Network, waxay iyagoo ka tiiraanyaysan  tacsi u dirayaan Qoyskii, ehelka, qaraabada, Golaha Wakiillada iyo guud ahaan shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxay marxuum Cabdiraxmaan Talyanle, waxayna Ilaahay ka baryayaan inuu marxuumka u naxariisto oo janadii ka waraabiyo.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post