X
    Categories: Warar

Xildhibaan Buubaa Oo Ka Hadlay Xilka Afhayeenka WADDANI Oo Laga Qaaday Xilli Uu Shaaciyay Deyn Siddeetan Milyan Ah Oo Xukuumaddii Hore Ka Tagtay

Xildhiabaan Ibraahin Mahdi Buubaa, By, Araweelo News Network 4Febeuary

Hargeysa(ANN)- Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo ahaa afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa ka hadlay xilka Afhayeenimo oo  laga qaaday, kadib markii Guddoomiyaha Xisbiga Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi qoraal uu soo saaray maanta ku shaaciyay sidaa.

Afhayeenkii Xisbiga WADDANI, Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa, ayaa sheegay inaanu wax dhib ah u arkin xil ka qaadista uu ku sameeyey guddoomiye Cabdiraxmaan, “Guushii xisbigu ku noqday xisbiga qayb laxaad leh ayaan ku lahaa. Muddo dheer oo aan ahaa afhayeenka xisbiga umadda reer Somaliland gudo iyo dibadba way ka war haysay meesha aan gaadhsiiyay iyo tacabka aan galiyay intaba,” ayuu yidhi, Xildhibaan Buubaa oo ka hadlay aragtidiisa xilka laga qaaday.

 “Siyaasadu waa qori isu dhiib, Xilkii Afhayeenka Xisbigana, waxaan ku wareejinayaa saaxiibkay Barkhad waana ku hambalyaynayaa,  waana soo dhawaynayaa go’aanka guddoomiyuhu qaatayna isaga laftarkiisa waan ku hambalyaynayaa, mana jirto wax cudur-daar ah oo aan maanta u arko inay dhibaato tahay,  ama aan dhinacayga saluug ka muujinayo midna ma jirto. Waxaan leeyahay guddoomiye muddadii aynu soo wada shaqaynaynay waad ku mahadsan tahay Barkhadna waxaan u rajaynaya in uu shaqadiisa gudan doono,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa.

Dhinaca kale arrinta xilka Afhayeenka Xisbiga WADDANI, ee laga qaaday Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa, ayaa kusoo beegantay markii Xildhibaanka oo ah Guddoomiyaha Guddida Dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiiladda Somaliland oo shalay la kulmay Wasiirka Horumarinta Somaliland Dr. Sacad Cali Shire iyo Xisaabiyaha Guud ee Qaranka uu xildhibaanku shaaciyay in lacag $ 80, 000, 000, oo lagu sheegay deyn xukuumaddii hore ka tagtay oo ay xukuumadda cusub la daalaa dhacayso, taas oo wasiir Sacad oo markii Xildhibaan Buubaa ka dhawaajiyay arrintaa si dadban ugu markhaati furay.

Halkan Ka Akhri: Guddoomiyaha Dabagalka Hantida Qaranka Iyo Wasiirka Maaliyadda Oo Qiray Deynta Ay Xukuumaddii Hore Ka Tagtay

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post