X
    Categories: Warar

Xiisadda U Dhaxaysa Kenya Iyo Soomaaliya Oo Sii Xooggaysatay Kadib Safiirkii Dawladda Federaalka U Joogay Nairobi Oo Lasoo Caydhiyay

Somali ambassador arrives in Mogadishu .17 February 2019.

Nairobi(ANN)-Xiisadda u dhaxaysa Kenya iyo Soomaaliya oo sii xooggaysatay, kadib markii Dowladda Kenya dalkeeda kasoo caydhisay Safiirkii Dawladda Federaalka u joogay Nairobi, Ambassador Maxamed Nuur Tarsan.

Sidoo kale Dawladda Kenya, waxay u yeedhay Safiirkii u joogay Soomaaliya, kaasoo lagu war geliyay inuu si deg-deg ah u ugu laabto Nairobi.

Safiirka laga soo caydhiyay Nairibi. Ambassador Maxamuud Nuur Tarsan iyo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa maanta barqadii kasoo degay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho. Kadib markii ay magaalada Nairobi kasoo raaceen diyaarad khaas ah oo looga diray magaalada Muqdisho.

Xukuumadda Federaalka ee Soomaliya, ayaan weli wax jawaab ah ka bixin dhirbaaxada dhinaca Dublamaasiyadeed ee Dawladda Kenya, waxayna wararku sheegayaan in markii uu maanta dalka kusoo laabtay Ambassador Tarsan ay Madaxtooyadda Villa Somalia ka bilaabmeen shirar ay lahaayeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Khayre, waxaana la filayaa Inay jawaab ka bixiyaan tallaabadaa dublamaasiyadeed ee Kenya qaaday.

Arrintan ayaa ka dhalatay markii Dawladda Kenya ka cadhootay heshiisyo xaraash oo dhinaca Shidaalka ku jira Baddeeda oo ay sheegtay Inay London kula gashay shirkado shisheeye maalmihii lasoo dhaafay.

Dawladda Kenya oo ka mid ah Dalalka Africanka ah ee Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, waxa Sannadii u danbeeyay ka dhexeeyey muran dhinaca milkiyadda dhul badeed u dhow xadka biyaha ee kala qeybiya labada dal oo ka mid ah meelaha lagu tuhunsanyahay Shidaalka.

Waxa jiray warar iyo warbixino soo baxayay Sannadii u danbeeyay oo sheegayay in xiligii Xukuumaddii Federaalka ee Sheekh Shariif ay heshiis si hoose ah ugu wareejisay qaybta lagu muransanyahay ee Badda Soomaaliya iyo weliba gobolka Jubbada Hoose oo ah deegaanka gaasta dabiiciga ah ku jirto ee xiligan Dawladda Kenya ku murmayso.

Muuqaalka xadka Badda ee lagu muransanyahay

Sheegashada qayb ka mid ah Badda Soomaaliya, muranka labada dal waxa loo gudbiyay Maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda, oo magaceeda loo soo gaabiyo ICJ taas oo la filayo inay go’aan kama dambeys ah kasoo saarto cidda sida saxda ah u leh goobta lagu muransanyahay ee Badda.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post