X
    Categories: Warar

Xiisada Siyaasadeed Ee U Dhaxaysa Madaxweyne Trump Iyo Afhayeenka Aqalka Kongereska Oo Sababtay In La Jeex-jeexo Khudbadii Uu Jeedinayay

Madaxweyne Trump o fadhiya, Afhayeenka aqalka kongreska, Nancy Pelosi iyo Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka, Mike Pence, Lahaanshaha sawirka CBS NEWS

Xiisada Siyaasadeed Ee U Dhaxaysa Madaxweyne Trump Iyo Afhayeenka Aqalka Kongereska Oo Sababtay In La Jeex-jeexo Khudbadii Uu Jeedinayay

New York(ANN)-Xiisad kulal ayaa ka dhalatay kadib markii Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump oo Aqalka Kongreska ka hor jeediyay khudbadiisa sannadlaha ah uu lama filaan kala kulmay Haweenayda Afhayeenka ka ah Aqalkaa Nancy Pelosi.


Madaxweyne Trump, ayaa khudbada uu ka jeediyay halkaa ka hor intii aanu la kulmin dhacdada layaabka ah ee dhexmartay Nancy Pelosi, wuxuu kaga hadlay dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda Mareykanka ee gudaha iyo qorshayaashiisa siyaasadeed ee ku waajahan dunida kale.

Warbaahinta Dalka Maraykanka ayaa xilligan u muuqda kuwa ka weecday inay taxliil ka bixiyaan, ama ka faallooyin iyo faaqidaad ka bixiyaan khudbadaha Trump, kadib markii arrin aan la filayni ay Aqalka Kongreska ku dhexmartay Madaxweyne Trump iyo Afhayeenka Aqalka, Nancy Pelosi oo mudanayaasha Xisbiga Dumuqraadigu haystaan aqlabiyadiisa.

Trump ayaa markii uu dhameeyay khudbadii uu jeedinayay waxaa uu usoo dhaqaaqay goob ka dambaysay oo ay fadhiyeen Afhayeenka aqalka kongreska, Nancy Pelosi iyo Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka, Mike Pence.

Madaxweynaha oo gacanta ku sitay laba nuqul oo ah khudbadihii uu jeediyay ayaa nuqul kamid ah ku wareejiyay Madaxweyne ku xigeenkiisa, Mr Pence, nuqulka kalena wuxuu gacanta ka saaray Afhayeenka Aqalka Kongreska oo markii ay waraaqaha ka guddoontay gacanta usoo taagtay Madaxweyne Trump, si ay u salaanto.

Balse Trump ayaa iska dhaqaaqay markii ay Pelosi gacanta usoo taagtay, iyadoo damacsanayd inay salaanto. Muuqaalada tooska ah ee laga baahiyay dhacdadan, ayaa laga dheehanayay in Donald Trump uu gebi ahaanba iska indha tirayay salaanta Pelosi.

Hase yeeshee Pelosi, ayaa markii uu Trump ka dhaqaaqay wajigeeda laga dheehan karayay is bedel iyo inuu ka muuqdo wajigabax iyo amakaag, iyadoo la yaabtay sababta uu Madaxweyne Trump u salaami waayay, waxayse muujisay wax-xoogay dhoolacadayn ah.

Balse waxa markii uu Madaweyne Donald Trump dhameeyay khudbadda waxay mar keliya Nancy Pelosi ku dhaqaaqday arrin la yaab noqotay, iyadoo jeex-jeexday waraaqihii ay ku qornaayeen khudbadii uu jeediyay Trump ee uu ku wareejiyay, arrintaas oo layaab noqotay.

Afhayeenka Aqalka Kongareska Pelosi ayaa markii ay waraaqaha jeex-jeexda ku hordaadisay miiskii ay fadhiday, waxaana wajigeeda laga dheehan arkayay cadho iyo in aannay ku qanacsanayn sida uu Trump ula dhaqmay.

Dagaalka siyaasadeed ee u dhexeeya Trump iyo Afhayeenka aqalka Kongareska ayaa haatan u muuqda mid kasii daraya oo meesha ka saaraya in lays ixtiraamo, waxaase aan la ogayn waxa uu sharciga Maraykanku ka qabo hab dhaqanka madaxa, haddii ay u dhaqmaan si aan munaasab ahayn, ama ay dhacdo sidan oo kale.

Xiisada u dhaxaysa Aqalka Kongereska ee ay aqlabiyadiisa haystaan Xisbiga Dumuqraadiga oo si weyn u diidan siyaasada iyo dhaqanka Madaxweyne Trump, ayaa loo aanaynayaa xidhiidhka sii xumaanaya ee Donald Trump iyo Afhayeenka aqalka Kongereska, kaas oo sii xumaanayay muddooyinkii u danbeeyay, waxaana xiisadu sii kulalaatay markii dhowaan Aqalkaasi Madaxweynaha ka gudbiyay maamuus ka xayuubin loo gudbiyay aqlanka sare Senetka oo ay Aqlabiyada Jamhuuriga oo ah Xisbiga Madaxweyne Trump haystaan.


Pelosi oo ka tirsan Xisbiga Dumuqraadiga ayaa waxay kamid tahay siyaasiyiinta dabada ka riixaya xil ka qaadista Trump, waxaana ay marar badan ku celcelisay in Madaxweyne Trump uu ka tallaabsaday sharciga Mareykanka, sidaa awgeed aannu sii ahaan karin mas’uulka ugu sareeya Dowladda Mareykanka oo aanu u qalmin inuu noqdo hoggaamiye meteli kara Maraykanka, waxayna safka hore kaga jirtaa siyaasiyiinta sida weyn u dhaleeceeya siyaasada Madaxweyne Trump.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post