X
    Categories: Warar

Xiisad Ka Taagan Maraakiibta Badeecadaha Sida Ee Kusoo Xidhata Dekadda Berbera Iyo Ganacsatada Oo Ka Cabanaya

Muuqaalka Dekedda Berbera

Berbera(ANN)-Cabashooyin, ayaa ka imanaya qaabka ay u socdaan Badeecadaha kasoo dega Dekedda Magaalada Berbera, kadib markii ganacsatada badeecadaha kala soo dega marsada magaalada Berbera ay soo waajaheen  gaadidka badeecadaha u sida ee kusoo xidhanaya Dekedda dib u dhac.

Arrintan, ayaa ka dhalatay sida ay sheegayaan wararku kadib markii Maraakiibta soo gasha Marsada ee badeecadaha sida ay Ciidamada Badda Somaliland kusoo rogeen baadhis ka hor inta aanay kusoo xidhan  Marsada, taas oo maamulka Dekedda ay isku khilaafeen, isla markaana saamayn ku ku yeelatay in gaadiidka badeecaddaha sida laga dejiyo badeecaddaha, iyadoo ganacsatada qaarkood sheegayaan in ay  doonayaan in ay fursada Ciidka badeecaddaha socod siiyaan, isla maraakana ay arrintan dib u dhac ku keentay.

Maareeyaha Dekeda Berbera oo aanu la xidhiidhnay si aanu cabashada arrintan iyo saamaynta ay ku yeelatay hawlihii adeega dekdda  wax uga weydiino, isla markaana fariimo uga dirnay Telefankiisa gancta, ayaanay noo suurta gelin inaanu wax jawaab ah ka helo.

Dhinaca kale, wararka ayaa sheegaya in muranka ka dhashay arrintan uu Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland Sareeye Guuto, Maxamed Xuseen faarax (Xiirane) u tegey Magalada Berbera, balse Taliye Xiirane oo aanu sidoo kale khadka Telefoonka kula xidhiidhnay si aanu wax uga weydiino khilaafka ka dhashay hawsha baadhista ee Ciidankiisu wado ayaanay noo suurta egelin.

Ganacsatada Badeecadaha kala soo dega Dekedda Berbera, ayaa marar baddan ka cawday tan iyo markii Dekedda Berbera lagu warejiyay shirkadda Dp, World oo ay wada jir u maamulaan dekedda shirkadda DP. World iyo xukuumadda Somaliland,  balse arrintan ayaa ah mid aan xidhiidh la lahayn cabashooyinkaa hore, iyadoo wararku sheegayaan in shirkadda Dp. World saluug ka muujisay hawsha baadhista ee ay maraakiibta kusoo xidhanay dekedda ku bilaabeen ciidamadda Ilaalada Xeebaha Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post