X

Xidhiidhka Somaliland Iyo Sucuudiga Oo Sii Xooggaystay

Madaxwryne Ku Xigeenka Somaliland oo Kulan La Qaatay Madaxda Rugta ganacsiga ee Jeddah chamber of comerce and industry

Araweelo News Network

 

 

Jeddah  Saudi  Arabiya (ANN)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Kulan la qaatay madaxda iyo masuuliyiinta rugta ganacsiga ee Jeddah chamber of comerce and industry iyo masuuliyiin kale.

Madaxwryne Ku Xigeenka Somaliland oo Kulan La Qaatay Madaxda Rugta ganacsiga ee Jeddah chamber of comerce and industry

Madaxweyne ku xigeenka iyo masuliyiinta Runta Ganacsiga  ee Sucuudiga, ayaa ka wada hadleen sidii looga midho dhalin lahaa loona xoojin lahaa xidhiidhkii ganacsi ee soo jireenka ahaa loona xoojin lahaa isfahanka ganacsi ee labada shacbi ee ku kala dhaqan wadamadda Somaliland iyo Sucuudiga isla markaana guulo looga gaadhi lahaa xidhiidhka labada dal iyo xoojinta arrimaha ganacsi is weydaarsiga.

Madaxwryne Ku Xigeenka Somaliland oo Kulan La Qaatay Madaxda Rugta ganacsiga ee Jeddah chamber of comerce and industry

Wefdiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu hoggaaminayo Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Masuuliyiinta rugta ganacsiga sucuudi arabiya ayaa lafo gurey hindisayaal lagu dardar galanayo ganacsiga xorta ah oo wax weyn ka taraya koboca dhaqaalaha bulshada.

Madaxwryne Ku Xigeenka Somaliland oo Kulan La Qaatay Madaxda Rugta ganacsiga ee Jeddah chamber of comerce and industry

waxaanu Madaxweyne ku xigeenku ku marti-qaaday Rugta ganacsiga ee Jeddah chamber of comerce and industry dalka Somaliland inay yimaadaan iyagoo wata ganacsatada ugu waawayn sucuudiga iyo khaliijkaba inay booqasho rasmiya ku yimaadaan Somaliland, iyagoo qiimayn ku samayn doona ganacsiga Somaliland, xoogana saari doona kobcinta iyo tayeynta Beeraha oo ay gacan ka geysan doonaan sidii Somaliland looga hirgelin lahaa timir tayo leh oo ka baxda Dalka Somaliland, sidoo kale waxa ay maalgelin ku samayn doonaan wax soo saarka iyo dhoofinta Kalluunka Somaliland, iyo iibka Xoolaha Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaaciil waxaa kulankan ku wehelinayay Gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, siyaasi Maxamed Duur Carraale Nuur, iyo masuuliyiin kale oo ay ka mid ahaayeen wasiirka Diinta iyo aw qaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland, Mudane Maxamed Muuse Abees

wafdigii uu hogaaminayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ee gudashada waajibaadka xajka ku jooga dalka sucuudi arabiya ayaa guulo diblamaasiyadeed ka soo hooyay socdaalkoodan ka dib markii si meeqaamkeedu saraysa madaxda ugu sareysa dalka sucuudigu ay ku qaabileen wafdiga Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

Sidoo kale safarkan waxaa ku lamaanaa ibo furka xidhiidho cusub, kuwaas oo dhax mari doono bulshooyinka labaddaa dal ku kala dhaqan,

Wa-bilaahi Tawfiiq

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post