X
    Categories: Warar

Xeer Ilaliyaha Guud Oo Ka Hadlay Maxkamadda Racfaanka oo Xayiraad Cusub Saartay Wargeyska HUBAAL

Hargeysa (ANN) Xeer Ilaaliyaha Qaranka Somaliland, ayaa ku sifeeyay amarka Xayiraada Maxkamadda Gobolka Hargeysa kaga qaaday Wargeyska Hubaal maalintii doraad mid aan sharci ahayn oo qaab tuugo ah ay kusoo saartay Maxakamaddu.
Maxkamadda Gobolka Hargeysa,ayaa ka qaadday xayiraad saarnayd tan iyo bishii August ee sannadkii hore Wargeyska Hubaal, balse Maxkamada Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex, ayaa markale xayiraad ku soo rogtay wargeyska madaxbannaan ee HUBAAL, saacado ka dib markii ay kasoo wareegeen amarka xayiraad ka qaasita Wargeyskaa.
Masuuliyiinta HUBAAL Media, ayaa amarka cusub ee Maxkamadda Rafcaanku xayiraadda ku saartay wargeyskooda ku tilmaamay sharci-darro iyo tacadi aan la qaadan Karin oo loola badheedhay.
Qaraar ka soo baxay Maxkamadda Rafcaanka Hargeysa oo markale xayiraad lagu saaray wargeyska HUBAAL shalay, maalin kadib markii Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ka qaadday xayiraad muddo dheer saarnayd, sidoo kalena ku oodday dacwaddii lagu soo oogay maalintii Axadda ee toddobaadkan.
Waxay ahayd 25-kii bishii August ee sannadkii 2014 markii Maxkamadda Gobolka Hargeysa xayiraaddii saarneyd ka qaadday wargeyska Hubaal, balse saacado kadib Maxkamadda Rafcaanku dib u xayirtay, waxayna hadda u muuqataa in Hay’addaha garsoorka dalku isku khilaafsan yihiin caddaalad-darada lagu hayo wargeyska Hubaal oo ahaa Wargeys si badheedh ah usoo bandhiga Musuq-maasuqa iyo mushkiladaha madaxda dawlada iyo Hay’addeheeda kala duwan.
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post