X
    Categories: Warar

Xeer-ilaalinta Somalia Oo ka Hadashay Xadhiga Saraakiil Loo Qabtay Qarax Loo Qorsheeyay Madaxweynaha Turkiga

Mogadishu(ANN)ku xiggeenka xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka Somalia Axmed Cali Abukar, ayaa ka hadlay xadhiga ilaa 11 sarkaal too loo qabtay qarax la doonayay in lagu waxyeeleeyo Madaxweynaha Dalka Turkiga oo dhowaan booqasho ku tegey magaalada muqdisho ee xarunta Somali, balse qaraxa ayaa dhacay maalin ka hor markii Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan booqday Muqdisho.

Saraakiisha, ayaa ka tirsan booliiska iyo nabad sugidda, waxaana la qabtay maalmihii lasoo dhaafay, iyadoo lala xidhiidhiyay qaraxii ka dhacay Huteelka SYL ee magaalada Muqdisho bishii January ee sannadkan 205. Ku Xigeenka Xeer IIaaliyaha Guud Axmed Cali Abukar oo maanta la hadlay warbaahinta, wuxuu sheegay in la xidhay 11 qof oo kiiskaasi lagu tuhunsan yahay.

Saraakiisha loo qabtay qaraxaa, wuxuu sheegay ku xiggeenka Xeer-illaaliyaha guud in baadhis ay ku socoto’ isla markaana wixii denbi lagu helo maxkamad loo gudbinayo, balse wuxuu xusay in baadhista ka dib lasiidaynayo wixii denbi Lagu waayo.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

 

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post