Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)- Guddiga Xafiiska Baadhista Xasuuqii dawladdii Soomaaliya ee Siyaad Barre u gaystay shacabka reer Somaliland sannadihii sideetamaadkii ilaa sagaashankii, ayaa shaaciyey dhacdo naxdin leh oo ku saabsan qaabkii ciidammadii Soomaaliya u khaarajiyeen 10 arday xidhnayd dirayskii waxbarashada oo laga soo ururiyey dugsigii dawladda ee ay dhigayeen ee magaalada Hargeysa.
Guddoomiyaha Guddiga Xafiiska Baadhista Xasuuqa Somaliland Md. Khadar Axmed Like oo soo bandhigay heerka uu gaadhsiisan yahay xasuuqii loo gaystay dadkii reer Somaliland inta la ogaaday ilaa hadda, ayaa si gaar ah uga xog-warramay 10 arday oo ciidammadii Siyaad Barre ka xusheen dugsiga sare ee Faarax Oomaar ee caasimadda oo qaabka loo laayey uu ahaa in dhiigga laga shubo ilaa inta ay ka dhimanayeen.
“Baadhistayada ilaa hadda waxa noogu naxdin badnayd 10 arday oo maydkoodii oo aan wax nabar ahi ka muuqan inta la safay dirawalkii waday Cagaf-cagafta la yidhi aas, wuxuu yidhi waar waa maxay dadkani sowkan xidhan dirayskii ardayda… waxa laga ururiyey dugsiga Faarax Oomaar iyagoo dirayskii ardayda xidhan, kadibna waxa la geeyey xeradaa millatariga ayaa la geeyey oo dhiigga ayaa laga shubay baa la yidhi ilaa intay dhimanayeen, ninkii Cagafta ku aasayey wuxuu yidhi waxaan ka argagaxo waxaan arkay tobankaa arday ee dhiigga laga shubay ilaa ay dhimanayeen ee dirayska xidhnaa ee la yidhi aas, waxay ardaydaasi ku aasanyihiin Laagta Malko-dururo ee magaaladan Hargeysa, waxaannuna xafiis ahaan rajo ka qabnaa in aannu lafahooda soo saarno sannadkan soo socda ee 2018,” ayuu yidhi Guddoomiye Khadar Axmed Like oo qaar ka mid ah warbaahinta dalka ugu warramay xafiiskiisa.
Waxa kaloo uu wax lala yaabo oo aan dhegaha reer Somaliland ku dhacayn ku tilmaamay hadal dhawaan ka soo yeedhay Madaxweynaha dawladda taagta daran ee Soomaaliya Mr. Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo sheegay in aanay Soomaali kala maarmayn ee ay dib u midoobi doonto, isla markaana waxa Guddoomiyaha Xafiiska Baadhista Xasuuqa Somaliland baaq la xidhiidha xasuuqii ku dhacay reer Somaliland u diray Madaxweynaha ciidammada shisheeye ku ilaaliyaan Xamar.
Isagoo arrintaasi ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Xasuuqii ay gaysatay dawladdii dalka haysan jirtay waxa ku maqan kontan ilaa lixdan kun oo qof, kaasna in sidaa lagu ilaawayo iyo inay maskaxdooda wax kale ku maqan tahay siday u fikirayaan iyaga ayey u taalaa, in la yidhaahdo aayar waa la isku noqonayaa wax sahlan maaha. Halkan hore waxa noogu yimi odayaasha iyo madaxdhaqameedka Koonfur (Soomaaliya) markii aannu tusnay cajaladihii xasuuqii ka dhacay dalka Somaliland waxay qabsadeen madaxa iyagoo sheegay in aanay waxan maqal, ogayna horena u arag, markaa malaha Farmaajo laftiisu muddo ayuu ka maqnaa dalka ee haddii aannu waxba ka ogahayn arrintan oo uu u baahan yahay waanu tusi lahayn. Nin arkay ama wax ka ogaaday sidii xasuuqu uga dhacay dalkana si hawlyar in aannu u odhan karayn baan u malaynayaa waa la isku noqonayaa iyo Soomaaliya ma kala maarmi karto, kelmadaasina waxaan u arkaa inay tahay kelmad quudhsi ku ah ummadda ku nool dalkan Somaliland, waxay noqonaysaa hadal nin iska yidhi uun, laakiin anigu waxaan odhan lahaa isaga (Farmaajo) waraysi baa kaaga dhiman dalkii Soomaaliya la odhan jiray siday u burburtay iyo sababta keentay iyo dhibaatada ka dhacday inaad aad u hubiso oo u daraasayso ayaa fiican haddaad muddo ka maqnayd dalkan.”
“Halkan Somaliland wixii ka dhacay sawirrada iyo qoraallada aannu ka hayno maaha mid si hawlyar loo odhan karo Soomaali ma kala maarmi karto, way kala maarantay Soomaali markii ay isu joojinwayday ee dawladdii dalka haysatay siday la damacday ayey noqotay oo iyadaa damacday in dalku kala go’o noqotay, markii ummaddii ka soo jeeday Waqooyi ay noqotay in aanay ka mid ahayn ummadda Soomaaliyeed iyo dawladdii dalka ka samaysnayd ee si arxan la’aan ah loogu ballamiyey ciidammadii dalka iyo qaxoontiyadii joogay ee la hubeeyey ee la yidhi laaya oo dhaca waxaad aragtaan, ummaddii waxaasi ku dhaceen odhaahdan fudud ee ah Soomaali ma kala maaranto ma gaadhayo maskaxdooda. Magaalada Hargeysa oo keliya ilaa 200 xabaal-wadareed ayaa ku yaal, waana xasuuqii uu gaytay rajiimkii dalkan xukumayey ee Siyaad Barre, inta kale ee ay ka kooban tahay Somaliland-na magaalo aanay ku oolin xabaalo-wadareedyo badani ma jirto, lama qiyaasi karayo oo magaalooyin dhan oo laga qaxay ayaa diyaarado lala dabagalay dadkii oo qaxaya, marka la qiyaaso dadka ku jira xabaal-wadareedyada aannu diiwaangelinay waxa la qiyaasayaa in konton ilaa lixdan kun oo qof ay ku maqan yihiin xasuuqaasi,” ayuu yidhi.
Md. Khadar Axmed Like waxa uu caddeeyey in la garanayo dad badan oo ka mid ah madaxdii masuulka ka ahayd xasuuqa lagu gumaaday kumanaanka kun ee reer Somaliland, loona hayo caddaymo arrintaasi u markhaati ah.
“Xukuumadda waxaannu odhan lahayn kiisaskaa xasuuqa ah ha la raadiyo oo dadkii gaystay qaar badan oo nool baa la hayaa ee ha la dabagalo oo maxkamadda adduunka ha lala raadsado. Kuwan Xamar joogana waxaan odhan lahaa kuwii gacan-ku-dhiiglayaasha ahaa ee gaystay xasuuqan ayaa u sharraxan Baarlamankiina ama qaar ku jiraan ee iyagana waxaannu jeclaan lahayn hadday awood u leeyihiin inay noo soo qabtaan oo ay noo keenaan si aannu maxkamad u gayno, waxa jira qaar la ogyahay oo aannu markhaatiyaal aannu hayno oo dambiilayaal rasmi ah oo xasuuqaa ka dambeeyey,” ayuu Guddoomiyaha Guddiga Xafiiska Baadhista Xasuuqii Somaliland ka dhacay Khadar Axmed Like.