X
    Categories: Warar

Xarunta Daryeelka Iyo Daaweynta Dhimirka Oo Munaasibad U Qabatay Xirfado La Baray Dufcaddii 11-aad ee Xanuunnada ka Bogsaday

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Munaasibad loo qabtay Dufcaddii 11-aad ee ka qalin-jebisa Cusbitaalka SAHAN ee Magaalada Hargeysa, ayaa lagu qabtay dhsimaha xarunta ee Woqooyi galbeed magaalada Hargeysa, waxaana munaasibada ka qaybgalay Masuuliyiinka socotay Hay’addaha  Dowladda Somaliland, waayeel culmo iyo marti-sharaf kale.

SAHAN, waa xarun daryeel oo fidisa adeegyo Bulsho oo kala duwan, sida Daaweynta Xanuunnada dhimirka, waxbarashada aasaasiga ah iyo Culuumta Diiniga ah, Xirfadaha Dawaarka iyo Korontada.

Xilligana dufcadda 11-aad ee ka baxda, ayaa loo sameeyay Xafladda la qabtay, kuwaas oo bartay Xirfadda Dawaarka iyo Qur’aanka Kariimka iyo Culuum kale ee Diiniya. Dadka Qalin-jebiyey ee Xafladda loo sameeyay ayaa markii hore Xarunta Sahan loo geeyay in lagaga daweeyo Xanuunka Dhimirka oo haleelay, balse markii ay Xanuunkaasi ka bogsadeen ayaa isla Xarunta SAHAN lagu baray Qur’aanka Kariimka iyo Xirfadaha Dawaarku ka mid yahay.

Munaasibadda Qalin-jabinta ayaa waxa ka qayb-galay Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka ee Somaliland, agaasimaha guud ee Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Agaasimaha guud ee Wasaaradda xidhiidhka Goleyaasha, Masuuliyiin ka socday Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka, Maamul-wanaagga, Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sheekh Aadan-Siiro) iyo Marti-sharaf kale oo tiro badan.

Agaasimaha Xarunta Sahan Kayse Xasan Cumar oo ugu horrayn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Xarunta Sahan waa Cisbitaal ka shaqeeya Xanaanaynta Dadka qaba Xanuunada dhimirka, Dufcadda qalin-jabinaysaa waa tii 11-aad.” Agaasimuhu wuxuu sheegay “Sahan waxay ka kooban tahay Qaybta Caafimaadka, Qaybta Jimicsiga, Waxbarashada iyo qaybo kale oo muhiim ah…” ayuu yidhi.

Madaxa Waaxda Waxbarashada ee Sahan oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Haddaan Macluumaad ka bixiyo habka wax loo baro, waa Qayb Shareecada Islaamka iyo qayb Farsamada Gacanta ah, waxa laga dhisaa qaybaha ay Shareecadu ka kooban tahay, sida Qur’aanka Kariimka oo aanu ugu talo-galay in Ardaydu bartaan Qur’aanka Karriimka, si ay Xarunta uga baxaan iyagoo Qur’aanka si fiican u bartay, waxa kale oo la baraa Axaadiista Nebiga CSW..”

Guddoomiyaha Xarunta SAHAN, ahna aasaasaha Xaruntaasi Bashiir Maxamed Jaamac oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa u Mahad-naqay Wasaaradda Waxbarashada, gaar ahaan Xafiiska Imtixaannaadka Qaranka oo uu sheegay in markii laga soo noqday Xayiraadihii Xanuunka Karoona ay muddo 5 Maalmood gudohood ah ugu diyaarisay Shahaadooyinka Ardayda Qalin-jebisay.

Waxa kale oo uu u Mahad-celiyey Cid kasta oo kala qayb-qaata Dedaalkooda la xidhiidha daryeelka Dadka Dhimirka ka xanuunsanaya ee ku jira Xarunta SAHAN, isagoo si gaar ah u xusay Wasiirka Shaqo-gelinta oo uu sheegay inay dufcaddii 10-aad ee tan ka horraysay ay siisay Dawaarka “Sanadkii hore Wasiirka Shaqadu 13-kii Arday ee xilligaa qalin-jabiyey Qof kasta Dawaarbay siisay, way ku shaqaysteen oo shaqo abuur ayay u noqotay…” ayuu yidhi.

Guddoomiye ku-xigeenka Maamul-wanaagga ayuu bogaadiyey, waxaanu yidhi; “Guddoomiyaha Maamul-wanaaggu isagu meeshuu ka tirsan yahay, waa dhallinyarada firfircoon ee aadka noola dedaasha. Bani-aadamka Ilaahay Qof kastaaba wuxuu qabtay ayuun buu leeyahay, waxaanu ilaahay ka baryaynaa Qof kasta oo halkan hawl ka geysta in Miisaanka Xasanaadka Ilaahay ugu daro..”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Adeegga aad qabanaysaan ee aanu Midho-dhalkiisa arkayna waa mid muhiim ah, Dawladduna inay gacan siisaa waa muhiim, annaguna karaankayaga diyaar baanu idiin nahay..”

Agaasimaha Wasaaradda Ciyaaraha oo isaguna Munaasibadda halkaa ka hadlay ayaa Guddoomiyaha SAHAN iyo Hawl-wadeennada kale ee Xaruntaasi ku amaanay dedaalka ay galiyeen Xaruntaasi, taasi oo aan Caafimaadka dhimirka oo keliya lagaga Daweyn Dadka, balse lagu dhiso Mustaqbalkooda nololeedna.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sheekh Aadan-Siiro) oo ka qayb-qaata hawlaha Samo-falka “Aad iyo aad baanu ugu Mahad-naqaynaa Guddoomiye Bashiir iyo Hawl-wadeennadiisa. Waxaanu ka soo horjeednaa in Qof Carruurteena ka mid ah (oo Xanuunsaday) oo markiiba Silsilad lagu xidhay, isagoo u baahnaa in dib u dejin lagu sameeyo, Maskaxdiisa la daweeyo, taasina waxay ka mid tahay waxyaabaha aanu Sahan ku taageersanahay..”

Munaasibaddan oo uu sidoo kale ka hadlay Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaannaadka Qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax, ayaa waxa Gebogabadii ka hadlay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Mahdi Cismaan Buuri, waxaanu yidhi “Ismaan odhan Meel caynkan ah ayaa Hargeysa ka furan, Huteelladeena waaweyn ayaan caynkan oo kale ahayn..”

Muuqaalka Munaasibadaa halkan ka Daawo

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post