X

#Xamaas Oo Lahaystayaal #Ruush Ah Ku Sharfay Madaxweyne #Vladimir Putin

Mid ka mid ah maxaabiista Falastiin ee Israel soo daysay oo gabdh yar oo uu dhalay ku faraxsan, markii uu kusoo laabtay qoyskiisa, Image Araweelo News Network, 29 Nov 023.

Xamaas Iyo Israel Oo Maxaabiis Is Weydaarsaday

>Israel Qoysaska Oo Faquuqaya Haweenka Maxabiista Ee Lasoo Daayay

#Araweelo_News_Network.

Qaza(ANN)- Xamaas ayaa sii daysay  10 qof oo kale oo Israa’iili ah oo la haystayaal ah iyo laba ajaaniib ah, kuwaas oo ay ku wareejisay hay’adda Laanqayrta Cas ee caalamiga ah, taasoo qayb ka ah heshiis xabbad-joojin ah oo lala galay Israa’iil.

Millateriga Israel ayaa sheegay in la haystayaashii ay hadda dib ugu laabteen dhulka Israa’iil. Israel, aaya taas beddelkeeda waxay kaga jawaabtay innay  sii deyso 30 maxaabiis Falastiiniyiin ah, kuwaas oo gaadhay Daanta Galbeed.

Tllaabadan, ayaa kusoo beegantay, xilli ay xabbad-joojintu gelay maalintii ugu danbaysay ee Lixaad, iyadoo sidoo kale kusoo beegantay xilli ay soo baxayaan canbaarayn labada dhinac midba midka kale ku eeddaynayo innay jebinay xabbad joojinta Israa’iil iyo Xamaas, kaddib markii isku dhac ka dhacay maanta Waqooyiga Qaza.

Dhinaca kale,  Xamaas ayaa ku dhawaaqday in ay sii dayn doonto la haystayaal baddan oo Ruush ah xilli ay socoto xabbad joojinta Gaza.

Abu Marzouk oo ka mid ah masuuliyiinta Xamaas, ayaa warbaahinta u sheegay in go’aankan loo qaatay in uu yahay “sharaf”Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Saraalka Xamaas, ayaa sheegay  in Xamaas ay bogaadinay go’aanka Madaxweynaha Ruushka uu ka qaatay khilaafka Israa’iil iyo Falastiin, sidaa awgeed ay Xamaas sii dayso labo la heyste oo heysta dhalashada Ruushka.

Dhinaca kale, Haweenka iyo carruurta Israa’iil markii ay kasoo laabteen maxaabiistii Qaza ayaa ka hadlay in la garaaco oo loo hanjabo uga imanaya qoyskooda, oo meel loo wareejiyo, iyadoo lagu khasbo in la faquuqo toddobaadyo qoysaskooda, sida laga soo xigtay qaar ka mid ah qoysaska dadka.

Sheekooyinkoodu waxay ka soo baxeen xubnaha qoyska, iyada oo aan la hubin  innay sheekaooyinku yihiin kuwo madax-bannaani.

Inta badan 240 maxbuus oo ay Israa’iil sheegtay in la qabtay 7-dii October ayaa weli ku jira gacanta Xamaas, iyadoo xabbad-joojintu marayso maalintii Lixaad oo gebagebo ah.

 

Inta badan maxaabiistii la sii daayay intii lagu guda jiray xabbad joojin lix maalmood ah ayaa loola cararay cusbitaallada dalka, kuwaas oo weli u muuqda innay la xumaansanayaan naxdinta ka dhalatay afduubkii ay Xamaas ku qaadday Koonfurta Israa’iil 7-dii Oktoobar, iyadoo ay Israa’iil  sheegtay in lagu dilay 1,200 oo qof.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post