X
    Categories: Warar

xaglo-toosiye Oo Weli Ka Hanjabaya Buuhoodle, Baaqna U Jeediyay Dadka Deegaanka

Araweelo News Network

Buuhoodle(ANN)Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee JSL Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-Toosiye oo weli ku gudo jira socdaalkiisii hawleed ee uu ku joogay Magaalada Buuhoodle ayaa ka warbixiyey halka ay u marayaan hwlihii kala duwanaa ee uu halkaa u joogay.

Dr saleebaan Ciise Axmed Xaglo toosiye Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka waxa uu ugu horayn tafaasiil ka bixiyey halka ay marayso hawshii nabadgelyo ee ugu muhiimsanayd socdaalkiisa shaqo, waxana uu yidhi sidan: Hawlihii nabadgelyo ee aan halkan u joogay meel wacan bay marayaan, dadkiina si wacan bay hawshaa uga shaqaynayaan haday tahay sidii nabadgelyada loo adkayn lahaa iyo hadii ay tahay sidii ay uga hortegi lahaayeen shaqsiyaadka Somaliya ka yimid ee doonaya inay halkan colaad ka huriyaan oo nabadgelyada deegaanka qasaan, markaa dadku aad bay uga shaqaynayaan arintaa, dhakhso inay natiijo u yeelatana waa rajaynaynaa

Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay natiijada waanwaantii nabadeed ee ku aaddanayd in ay hab nabadgelyo kaga baxaan Magaalada Buuhoodle Nabad diidka Cali Khaliif iyo xubno la socda oo ka tirsan Baarlamaanka dalka aynu jaarka nahay ee Somaliya oo iyagu muddooyinkii u dambeeyey xaalad colaadeed iyo farogelin qaawan oo cadaawadi ku dheehan tahay ka waday deegaano ka tirsan Gobolkaasi Buuhoodle. Waxana Wasiirka oo arintaa ka hadlaya uu yidhi: ’Odayaasha, cuqaasha iyo waxgaradka Buuhoodle aad iyo aad bay u dadaalayaan meel wacan bay u maraysaa, sidii ninkaa fidmowalaha ah (Cali Khaliif) loogu tirtirsiin lahaa inuu ka baxo Gobolkaa iyo guud ahaanba Somaliland dhakhso inay wax ka gaadhaan baan rajaynayaa.
Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-Toosiye waxa uu caddeeyey mowqifka Dawlada Somaliland ee ku aaddan nabadgelyada Buuhoodle, waxana hadaladiisii ka mid ahaa: Somaliland waxa ka goan in deegaanka Buuhoodle aan wax colaad ah oo dambe ka dhicin, Somaliland waxa ka goan in cid doonaysa inay Deegaanadan dagaal ka huriso aan laga ogolaan, anaga iyo odayaashana wadashaqayn baa naga dhaxaysa, deegaankanina muddo ayuu colaad iyo mugdi ku jiray, markaa Somaliland waxay Goaansatay in dhibaatadaasi aanay dib u soo cusboonaan, lagana ilaaliyo oo laga hortago shaqsiyaadka danaha gaarka ah leh ee taa doonaya

Intii uu wasiirku Warbixinta jeedinayey waxa uu baaq ku aaddan adkaynta nabadgelyada u diray dadweynaha deegaanka Buuhoodle: Dadweynaha Reer Buuhoodle waa bulsho colaado ka soo daalay, waxaan u soo jeedinayaa in aanay u ogolaan in shaqsi dan gaar ah wata aanu colaad iyo dhib u soo jiidin, waxa aan kula talinayaa inay nabad iyo horumar ku fekeraan oo hadafkooda ka dhigtaan, kulligoodna ka wada shaqaeeyaan inay nabadooda ilaashadaan
Dhanka kalena wasiirka caafimaadku waxa uu xusay dib u habayn lagu wado cisbitaalka guud ee Magaalada Buuhoodle oo muddo dheer aan shaqaynin waxana uu yidhi sidan: Cisbitaalka waxa aanu ka wadnaa dib u habayn, waxa aanu diyaarinaynaa wasaarad ahaan in Cisbitaalka guud ee Buuhoodle dib loo furo oo dhakhaatiirtii iyo adeegyadii caafimaad loo dhammaystiro, waana ku gudo jirnaa hawshaa, insha allaah waxaan rajaynaynaa in wakhti yar oo gaaban Cisbitaalkaa lagu shaqo geliyo, dadkuna ay ka maarmaan adeegyada caafimaad ee y safarada dhaadheer u gelayaan, Dhakhaatiirtii iyo qalabkiina waa diyaar, markaa cisbitaalkaa waxa aan rajaynayaa in uu dhowaan furmo.

Sida la ogyahay cutubyo ka tirsan ciidanka Qaranka JSL ayaa ku sugan gudaha Magaalada Buuhoodle, halka ay cutubyo kalena saldhigyo ka yagleesheen sadexda jiho ee Galbeedka, waqooyiga iyo bariga Buuhoodle, xilli jihada afraad oo ah ta koonfureed-na ay kaga beegan tahay xuduuda Itoobiya.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post