X
    Categories: Warar

Xafiiska Taiwan Ee Hargeysa Oo Albaabada Loo Furay, Madaxweynaha Taiwan Iyo Masuuliyiin Kale Oo Ka Hadlay

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Dalka Taiwan, ayaa si rasmi ah uga furatay dhismaha Xafiiskeeda safaaradeed ee ay ku yeelanay Somaliland, kaddib markii labada dawladood ay dhowaan xoojiyeen xidhiidhkooda mudada soo taxnaa.

Munaasibad loo qabtay furitaanka Xafiiska Taiwan ee Caasimada Somaliland ee Hareysa laga furay maanta, waxa ka qaybaglay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud  (Xiir), Xubno kale oo ka socday golaha wasiirada Somalialnd, masuuliyiin ka socday xisbiyada qaranka Somaliland, Safiirka Dawladda Djibouti ee Somaliland iyo marti sharaf kale.

 

Xafiiska Taiwan ee Caasimada Somaliland ee Hareysa laga furay 17 August 2020, Araweelo News Network.

Safiirka Taiwan usoo magcawday Somaliland Mr, Leu chen Kuwa, ayaa markii la saaray barxada dhismaha Calanka Dalka Taiwan, wuxuu  ka hadlay ujeedada xafiiska Taiwan iyo waxyaabaha ay Somaliland iska khaasanaayan, isagoo dawladda Somaliland uga mahad-celiyay maamuuska sare ee ay furista safaaradda iyo xidhiidhka iskaashi ee labada dal.

Xafiiska Taiwan ee Caasimada Somaliland ee Hareysa laga furay 17 August 2020, Araweelo News Network.

Mr, Leu chen, wuxuu si gaar ah u tilmaamay inay Somaliland si weyn ay uga taageeri doonaan dhinacyada arrimaha bulshada,  gaar ahaan horrumarinta Beeraha, daryeelka caafimaadka, Tignoolajiyadda, waxbarashadda, ammaanka, tamarta, macadanta iyo maal-gashiga.

Dhinaca kale, Haweenayda Madaxweynaha ka ah Dalka Taiwan Tsai Ing-wen iyo wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaa Mr. Joseph Huu oo xaflada munaasibadda kaga qayb galay khadka  isgaadhsiinta casriga ah, ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin furitaanka xafiiskooda Hargeysa iyo xidhiidhka labada dal ee sii xooggaysanaya.

Tsai Ing-wen, waxay sheegtay in ay Somaliland iyo Tawian wax badan iska kaashanayaan, iyadoo tilmaantay waxyaabaha ay wadaagan iyo meelaha ay doonayaan in ay Somaliland kala sameeyaan iskaashi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Taiwan Mr. Joseph Huu, wuxuu hadalkiisa ku sheegay in furitaanka xafiiskooda Hargeysa aannu ahayn mid wax u dhimaya amaanka mandaqada iyo gobolka, balse uu yahay mid dhanka horrumarka ah oo ay ujeedadu tahay in ay wax badan iska kaashadaan Somaliland oo ah dal ay dhanka qadiyada, horrumarka, dumuqraadiyada, xoriyada iyo amniga ay wadaagaan.

 

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (faratoon) oo munaasibadda soo gunaanaday ayaa soo dhaweeyay firitaanka Xafiiska Taiwan, wuxuuna xusay in furitaanka xafiiskaasi yahay mud  iskaashi iyo wax wada-qabsi dhabta ah oo dhex maray labada dhinac, isagoo madasha ka sheegay in  todobaadyo ka dib dalka Taiwan laga furi doono safaaraddii Somaliland.

Somaliland iyo Taiwan oo cilaaqaadkoodu soo socday muddo sannado ah, ayaa dhowaan sii xooggaystay, kaddib markii labada dhinac is dhaafsadeen booqashooyin dublamaasiyaseed iyo wufuud labada dal isu weydaartay, isla markaana balan qaadeen in ay iskaashi samaynayaan, oo ay is dhaafsadaan xafiisyo, taas oo ay xukuumadda China si weyn uga cadhootay oo sababtay in wefdi ka socda dalka China ay oo daba socda arrintaa ay booqasho ku yimaadaan Somaliland, kuwaas oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland iyo masuuliyiin kale, iyadoo kulankaa oo aannay warbaahintu goob-joog ka ahayn ay Madaxtooydda Somaliland dhankeeda sheegtay inuu ku dhammaaday isfaham, walaw aannay wefdiga China ka hadlin dhankooda.

 

AKHRI: Somaliland: Madaxtooyada Oo ka Hadashay Kulan Dhexmaray Wefdi Uu Hoggaaminayo Wasiir Xukuuumadda China Ah

 

 

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post