X
    Categories: Warar

Xafiiska Ganacsiga Somaliland ee Imaaraadka oo u Mahadceliyey Jaaliyadaha ku Nool Dalka Sweden

Araweelo News Network

Dubai(ANN)- Xafiiska ganacsiga Somaliland ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa uga mahadceliyey jaaliyadaha reer Somaliland ee waddanka Sweden sida fiican ee ay u soo dhaweeyeen ambassador Baashe Cawil Cumar oo safar ku tegay dalal ku yaal qaaradda Yurub.
Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed la soo saaray oo u qornaa sidan; “Xafiiska Somaliland Trade Office Mission UAE (Xafiiska Ganacsiga) wuxuu uga mahadcelinayaa Jaalliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka Sweden sidii milgaha iyo sharafta lahayd ee ay wakiilka Somaliland ee Imaaraadka iyo xubnihii weftigiisa ugu soo dhaweeyeen dalkaasi muddadii labada cisho ahayd ee ay ku sugnaayeen.
Jaalliyadaha dalalka Nordic waxay muujiyeen waddan jeceyl, niyad-wanaag iyo midnimo ay meel uga soo wada jeedaan garab istaaga horumarka dalkooda hooyo oo ay awalba kaallin muuqata ka qaadan jireen. Taasina waa ta ay ku garteen in ay shahaado sharaf ku maamuusaan wakiilka Somaliland ee dalka Imaaraadka Amb. Baashe Cawil Cumar oo ku muteystay dedaalka iyo waxqabadka muuqda ee Somaliland u soo kordhay muddadii koobnayd ee uu xilka hayay.
Sidaa daraadeed, waxa uu xafiiska Somaliland Trade Office mahadnaqayaa jaalliyadaha ku dhaqan dalalka Nordic (Sweden, Norway, Finland, Iceland, Denmark) wakiillada Somaliland u fadhiya dalalkaasi iyo masuuliyiinta laamaha xisbiga KULMIYE ee Ilaahay garansiiyay in ay taageeraan horumarka dalkooda hooyo,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Ganacsiga Somaliland ee dalka Imaaraadka Carabta.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post