X
    Categories: Warar

Xaasaska Dagaalyahannada Al-shabaab Oo Lagu Amray inay Ka Baxaan Magaalada Baardheere

Araweelo News Network

Baardheere (ANN)Maamulka degmada Baardheere, Gobolka Jubbada Hoose ee dalka Soomaaliya, ayaa ku amray xaasaska dagaalyahannada Al-shabaab inay si degdeg ah baxaan magaaladaas.
Xubno tiro badan oo ka mid ah xaasaska xoogagga Al-shabaab ee dagaalka kula jira ciidammada dawladda taagta daran ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegay inay deggan yihiin magaalada Baarhdeere oo dhowaan laga qabsaday kooxdaas.
War ka soo baxay masuuliyiinta maamulka dawladda ee degmada Baardheere shalay, ayaa sidoo kale taageereyaasha kooxda Al-shabaab lagu wargeliyey inay iskood ugaga baxaan magaaladaas muddo toddoba maalmood gudahood ah.
“Ma doonayno in aannu wax u dhinno xaasaska iyo taageerayaasha Al-shabaab ee ku sugan Baardheere, sidaa darteed waxaannu ku amraynaa inay iskood degdeg ugaga baxaan magaalada, maadaama ay noo caddaatay inay qayb ka yihiin amni-darrada iyo weerarrada dagaalyahannada kooxdaasi ka wadaan degaannadaas,” ayaa lagu yidhi amarka ka soo baxay maamulka degmada Baardheere ee koonfurta dalka Soomaaliya ee colaaduhu aafeeyeen.
Maamulka magaalada Kismaayo ee xarunta Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Jubbaland, ayaa dhowr jeer oo hore sidan oo kale dumarka ay ka qabaan xoogagga Al-shabaab ku amray inay magaaladaas iskaga baxaan.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post