X
    Categories: Warar

Xaallada Deegaanka Xaysimo Ee Bariga Somaliland Oo Laga Dayriyay Iyo Guddoomiyaha Gobolkaa Oo Baaq U Diray Hay’addaha Gargaarka

Talleex(ANN)Xaalada deegaanka Xaysimo ee bariga Somaliland, ayaa laga dayriyay, iyadoo dadka deegaanka oo kaliishu ku daba dheeraatay ka cabanayaan Cunto, la’aan biyo la’aan iyo xoolaha oo xaaladoodu liidato.
Guddoomiyaha Gobolka Xaysimo Cabdirashiid Maxamed Axmed ( Xiir), ayaa u sheegay shebekada wararka ee Araweelonews in xaalada deegaanka ee dadka iyo xooluhuba ay liitaan, isla markaana ay biyuhu gabaabsi noqdeen. Sidoo kalena ay xooluhu liitaan. Kadib markii sida uu sheegay roobabka ee horaanta gu’aga aanay ku tiixin deegaankaa.
Guddoomiye Cabdirashiid Xiir, wuxuu sidaa ku sheegay mar uu khadka isgaadhsiinta kula soo xidhiidhay shebakada Araweelonews isagoo ku sugan deegaankaa, wuxuuna xusay in xukuumadda Somaliland ka warqabto xaalada oo uu la socodsiiyay, balse waxa uu sheegay in baaqiisu ku wajahanyahay hay’addaha gargaarka, isagoo ugu baaqay in deg deg dadkaa iyo xoolahaba loogu gurmado oo loo gaadhsiiyo Biyo iyo cunto.
“Ilaahay ayay dadku gurmad ka sugayaan, waxaana dib u dhacay raxmaadkii Alle, markaa dadka iyo xooluhuba gurmad ayay u baahanyihiin, sababtoo ah dadka deegaanka waa lagu soo hayaamay Dayrtii, taas ayaa sababtay xaaluf aanay xamilin kaliisha kulul ee waqtigan, iyadoo aanay Xooluhuna iib lahayn, waana arrinta dadka deegaanka saamaynta ku yeelatay” ayuu yidhi Cabdirashiid Xiir.
Waxa uu sheegay in xaalada amaanka aanay jirin wax dhibaato ah, balse mushkilada keliya ee dadka deegaanka waqtigan haysaa tahay xaalada ay keentay kaliisha kulul oo dad iyo xoolaba saamayn ku yeelatay. Sidaa awgeed, wuxuu Hay’addaha gargaarka ugu baaqay dadkaa soo gaadhsiiyaan waxay cunaan, maadaama xoolihii ay ku noolayeen ee noloshooda laf-dhabarka u ahaa ay xaaladan soo waajahday.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post