X
    Categories: Warar

Xaaladdihii Ugu Danbeeyay Ee Dalka Ethiopia

Addis Ababa(ANN)- Wararkii u danbeeyay ee dalka Ethiopia, ayaa sheegaya in wax-xooggay xasilooni ah ay jirto, kaddib rabshadihii maalmihii u danbeeyay ka socday dalkaa ee ka dhashay dilkii loo geystay Fannaankii caanka ahaa ee Qowmiyada Oronia,

Dowladda Federaalka ee Ethiopia, ayaa sheegtay in ay xabsiyada dhigtay shaqsiyaad caan ka ah qowmiyada Oromada, kuwaas oo ay ku jiraan 35 xubnood oo rabshadaha ka socday dalka lala xidhiidhiyay, isla markaana ay ka mid yihiin Jawhar Maxamed iyo Baqale Garbaa.

Dhinaca kale, sida shaaciyey taliye ku xigeenka booliiska gobolka Oromada Girma Gelam tirooyinkii ugu dambeeyay ee la xidhay yihiin, 1,084 qof, isagoo aan wax faahfaahin ah ka bixin dadkaa baddan ee la qabtay.

Girma Gelam, ayaa sheegay in dadka dhaawacyadu soo gaadheen mudadii ay socdeen rabshaduhu noqonayaan 167, kuwaas oo dhaawacyo culus gaadheen.

Warar kale, ayaa sheegaya in 166 qof ku nafwaayeen tan iyo markii ay rabshaduhu ka dhasheen dilka Fannaanka Caanaka ahaa ee Hachalu Hundessa, sida uu sheegay sarkaal sare oo Booliska ah 145 qof oo rayid ah iyo 11 ka tirsan shaqaalaha amniga ayaa ku dhintay gobolka Oromada oo keliya, iyadoo Toban qof oo kale lagu dilay caasimada Addis Ababa.

 

Balse Girma Gelam oo ah Taliye ku xigeenka Booliska ee Oromia, ayaa Bayaankiisa ku sheegay in rabshaduhu ay hadda gabi ahaanba joogsadeen. Weriyaha BBC-da ee Itoobiya Kalkidan Yibeltal ayaa sheegaya in xiisadda qowmiyadeed iyo mid diimeed ay sii xoogeysatay wixii ka danbeeyay dilkii Hachalu Hundessa,

Magaalooyinka waaweyn ee deegaanka Oromadana waxaa lagu soo rogay bandow iyada oo shacabka lagu wargeliyey in aannay guriyahooda ka soo bixin.

Magaalada Addis Ababa waxay wararku sheegayaan in rabshadihi maalmihi u dambeeyey ka dhacay magaaladaasi laga dareemayo oo ay waddooyinka waaweyn ee magaalada ay hawanayaan, isla markaana isu socodka dadka iyo gaadiidkana uu ku yar yahay.

Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed, oo kasoo jeeda qowmiyada Oromia, ayaa xukunka qabtay bishii Abriil 2018, wuxuuna waajahay carqalado siyaasadeed iyo rabshado soo noqnoqnayay tan iyo markii xiisado siyaasadeed oo sababay in uu xilka baneeyo ray’iisal wasaarihii ka horeeyay noqdeen kuwo aan waxba ka bedeli xaaladda, wuxuuna Dr. Abiy xilligan sheegay dhawr jeer laysku deyay in loo maleego shirqool iyo in dalka la doonayo in amaankiisa la manja-xaabiyo, balse wuxuu ka digay kuwa ka dambeeyay dilkii Hachalu ee doonaya inay carqaladeeyaan barnaamijkiisa dibuhabaynta in aannay u suurta gelayn.

 

AKHRI: Ra’iisal Wasaare Abiy Oo Ka Dhawaajiyay Waxyaabo Aan Looga Baran Kana Hadlay Xaaladda Dalkiisu Galay

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post