Araweelo News Network
abdiweligaas

Garoowe (ANN)-Ciidamo ka tirsan maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa sameeyey kacdoon ay kaga cabanayaan mushahar la’aan ku habsatay muddooyinkii u dambeeyey, waxayna qabsadeen xarunta Barlamaanka Puntland ee Garoowe xili ayna ka socon wax kalfadhi ah, waxaana xarunta ku sugnaa xildhibaano kooban iyo shaqaalihii barlamaanka oo goor dambe laga saaray goobta.
Ciidamadan oo watay baabuurta gaashaaman, kuna hubaysnaa hub culus ayaa xannibay jidka dheer ee laamiga ee hore mara barlamaanka, iyagoo joojiyay isu socodkii baabuurta iyo dhaqdhaqaaqii waddada ugu muhiimsan caasimadda Puntland ee Garoowe.
Ciidammada gadooday oo aan la hadlin warbaahinta, isla markaana aan la faahfaahin guutadada ay ka tirsan yihiin iyo masuuliyiinta xukunta ayaa warar ku dhow waxay sheegayaan inay ka cabanayaan mushahar la’aan iyo xuquuqo kale oo uga maqan dowladda Puntland, taasina ay sabab u tahay inay bannaanka uga soo baxaan xeryahooda.

Ma cadda in qabsashada ciidammada ee xarunta barlamaanku ay tahay fariin loo dirayo xildhibaanada Barlamaanka oo ah in culays lagu saaro in ay tallaabo ka qaataan xaaladda ka taagan maamulka Puntland oo ay ciidanku saluugsan yihiin, sababta loo bartilmaameedsaday xaruntoodii kaliya oo aysan ciidammadu u qabsan bangiga iyo Wasaaradda Maaliyadda oo dhinac ku haya xarunta Barlamaanka ee Garoowe.
Dhinaca kale, Ciidammadii la wareegay Xarunta Baarlamaanka, ayaa la sheegay inay gelinkii dambe ee shalay banneeyeen dhismaha ay qabsadeen, iyagoo dib ugu noqday xeryahooda, waxaana la sheegay in ay go’aankan qaateen kadib markii uu goobta ay ku sugnaayeen booqday Islaan ciise Islaan Muse oo kamid ah Issimada Puntland iyo gobalka Nugaal.
Ciidamadan ayaan wax dhibaato ah geysan marka laga reebo xarunta Baarlamaanka oo ay isku gedaameen iyo waddooyinka goobtaasi hormara oo ay xidheen saacado kooban.
Ma jirin cid ka socotay Maamulka Puntland oo ciidammadan la kulantay sida la sheegayo, waxaa dhinaca kale weli la sugayaa inay arrintan ka hadasho dowladda Puntland, iyadoo ay sidan oo kale cutubyo ciidan ah xoog ku qabsadeen Baanka Dhexe ee Puntland bishii September ee sannadkii 2016.
Dhinaca kale, mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Puntland, ayaa iyaguna muujiyey gadood siyaasadeed oo ay doonayaan inay ku ridaan xukuumadda uu madaxda ka yahay Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, kaasoo si xoogan loo dhaliilayo hoggaamintiisa sababtay in aanay ciidanka iyo qaybo ka mid ah shaqaaluhu wax mushaharooyin ah qaadan muddo bilo ah.
Arrintan waxay ku soo beegmaysaa maalin ka hor markii Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Faarax Cali Shire oo ka hadlay warbaahinta uu eedaymo culus u soo jeediyay maamulka Madaxweyne Gaas, isla markaana uu ku tilmaamay xaaladda Puntland mid burbur ah.
Geesta kale, sida ay baahiyeen qaar ka mid ah saxaafadda Puntland, kooxo dablay hubaysan ah ayaa rasaas ku furay askar booliska maamulka Puntland ka tirsan magaalada Boosaaso, halkaasoo ay rabshado xoogan ka taagan yihiin maalmihii u dambeeyey, waxaanna rasaastaas ku dhaawacmay afar askari oo boolis ah.