X
    Categories: Warar

Xaaladda COVID-19, Ee Somaliland Korodhka Dhimashada Iyo Warbixintii U Danbaysay

Somaliland qof u dhintay Coronavirus oo la saarayo gaadhiga Hargeysa,10 May 2020, Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in ay kordheen dadka qaba xannuunka Coronavirus ee lagu arkay dalka, sidoo kalena uu dhintay qofkii 7aad u geeriyooday cuddurka COVID-19. halka ay kor u kacday tirada dadka qaba xannuunka.

Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo War-bixinta Maalinlaha ee Xanuunka Covid-19 Warbaahinta siinayay maanta baraxada horre ee Wasaaradda, ayaa sheegay in in qofkii 7aad  ugu dhintay Somaliland xannuunka, isagoo dhinaca kale sheegay in ay jiraan kiis oo cusub laga helay cuddurka Coronavirus.

 Dr. Xergeeye Magaalooyinka Xaaladdaha Cusub Hargaysa: 12 qof, Beebera 2qof, kuwaas oo dadoodu u dhxayso 20 jir ilaa 80 , isla markaana isugu jira 12 rag ah iyo laba haween ah o dhammaantood Somalilander.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda  Caafimaadka Dr. Maxaxmed Cabdi Xergeeye, wuxuu sheegay in Wadarta guud ee tirada dadka xannuunka laga helay guddaha Somaliland ay hada marayan  68 qof, waxa dhintay 6 qof, halka ay kasoo kabteen oo ay ka bogsadeen 7 qof, halka ay tirada guud xannuunka gudaha Somaliland ka dhigaysa 55 qof.

Dhinaca kale, Wasaaradda Horrumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shalay warbixinteeda ku sheegtay in hal qof u dhintay xannuunka, halka xannuunka laga helay 6 qof, kuwaas Afar ka mid ah ay Hargeysa ahaayeen, halka 2 qof ay magaalada Burco yihiin.

Dr. Xergeeye, ayaa sheegay in 24 saacadood ee lasoo dhaafay 12, 785 goor lasoo garaacay Teleefanka loo qorsheeyay in dadka ka shakiya xannnuunka COVID-19, ay  soo garaacaan , taas oo ka dhigaysa tirada sida uu sheegay tan iyo markii la sameeyey 598 36 qof inay soo garaacaan, halka 24 saacadood la baahday 40 qof.

Halkan Ka Daawo Warbixinta Maanta ee COVID-19.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post