X
    Categories: Warar

Xaaladda Caasimadda Yaman Oo Faraha Ka Baxday Iyo Madaxweynihii Oo Lawaayay Meel Uu Maray

Sanaa(ANN)Xaaladda Caasimadda Dalka Yaman ee Sancaa, ayaa faraha ka baxday . kadib markii saaka waarberigii kooxda malayshiyadaXuutiyiintu maadaafiic ku garaaceen Qasriga Madaxtooyadda oo ay xiligaa kulan ku lahaayeen Madaxweynaha iyo raysal wasaaraha, iyagoo markaa kadibna qabsaday Telefishnka Qaranka iyo goobaha Muhiimka ah ee magaalada.
Shaaracyada iyo wadooyinka magaalada waxa hadheeyay dagaalka Xuutiyiinta ooh ore dhamaadkii sanadkan fursad u helay inay gacanta ku dhigaan inta baddan Xeryaha Ciidamadda iyo Hay’addaha Muhiimka ah ee Dawlada Sep 2014, balse mar kale ayay xiisada dalka Yaman dib u bilaabantay saaka waaberigii.
Madaxweynaha Dalka Yaman Cabdurabo Mansoor Al-Haadi ayaan wax war ah laga hayn halka uu ku danbeeyay, balse wasiirka wasaaradda warfaafinta, ayaa u sheegay in Madaxweynuhu weli ku jiro caasimadda, isla markaana Wasiiradu ku sugan yihiin guryohooda oo ay xaalada dhawrayaan.
Xuutiyiinta, ayaa ku gacan saydhay inay wax wada hadal ah la galaan oo ay dagaalka joojiyaan.

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post